Saturday, December 27, 2014

Shirweynahii Todobaad ee Dalada Sonyo oo maanta furmay.

BOOBE BIIXMUSE CALI Hargeysa(GNA) Waxa maanta si heersare ah loo soo agaasimay shirweynihii todobaad oo lugu dooran doono hoogaanka todobaad ee hagi doona dalada ay ku midoobeen dhalinyarada Somaliland ee Sonyo.
Munaasimadan oo loo soo agaasimay si heersare ah waxa ka soo qayib galay Gudoomiyaasha Xisbiyada Qaranka Somaliland, Xubno Ka mida golaha wasiirada, Golaha aqalka wakiilada Somaliland,Marti sharax iyo waliba dadwayne aad u tiro badan,ugu horayin waxa munaasibadaa ka hadlay Gudoomiyaha haatan wareejinaaya talada Sonyo Mubaarig Ismaaciil Taani” Ergada sharafta leh farxad wayn bay u tahay Golaha lixaad aad doorateen laba Sano ka hor Maanta oo kale in xilkii iyo masuuliyadii aad na saarteen laba sano Waana arin muujinaaya qaangaadhnimo masuuliyadeed.dibumuqraadiyadeed laba sano ka hor xilkii aad na saarteen waxa noo farxad ah in aan ka war bixino wixii aanu qabanay Ergada sharafta leh guulo la taaban karo ayaa golaha lixaad soo hoyiyeen,hadaan wax ka yara iftiimiyo Ergada sharafta leh waxa uu qabtay golaha lixaad,waxa in ka badan toban sano ay ku hamiyi jirtay Daladu,waxa ay yeelatay hanta ma guurta ah oo kow ka yahay Guri ama Bino aad u fiican kuna yaal goob cidwalba soo gaadhi karto .
Waxa halkaa hadal qiimo badan dhankiisa ka soo jeediyay Agaasimaha Akaadamiga nabada iyo horumarinta Somaliland Maxamed Faarax”waxaan u mahadnaqayaa dhamaan qof kasta oo ka soo qayb galay madashan aan maanat fadhino waxa kale oo aan si gaara ugu mahadnaqayaa hogaanka lixaad ee Sonyo oo dalada soo gaadhsiiyay meel aad u fiican islam markaan qabtay waxyaabo la taaban karo mar labaad iyo mar sadaexaadba waan u mahadnaqayaa.
Waxa dhankiisa ka hadlay madashaa Xog-hayaa Warfaafinta Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani Boobe Yuusuf Ducaale”kolay waa madashii dodobaad ee aan ka soo qayib galo Sonyo markaa waxaan ahay dadka Soyno tirsanaya waayo waxa aan galiyay wakhti badan Sonyo waxa ay qabatan kolay waa waxa muuqda waana wax looga fadhiyay in ay qabtaan waxan ay maanat qabteen oo dhan.
Waxa iyaguna halkaa si isku mid ah ugu mahadnaqay golaha lixaad ee Sonyo Wasiir ku xigeenka Wasaarada Qorshaynta Qaranka somaliland iyo Agaasimah guud ee Wasaarada Howlaha Guud oo iyagu si isku mid ah ugu mahadnqaya waxqabaka buuxa ee ay fuliyeen dalada Sonyo,sidoo kale waxa halkaa hadalo ka soo jeediyay dhankiisa xildhibaan axmed yaasin oo ka mida xildhibaanada aqalka Golaha Wakiilada Somaliland.Godoomiya xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Faysal Cali Waraabe ayaa isguna dhankisa hadalo kooban ka soo jeediyay,dhamaan way salaamin yihiin marti sharafta qiimah leh ee ka soo qayb galay madashan marwo iyo mudanayaalba waxaan aad ugu faraxsanahay in maanat diyaar u tahay golahii lixaad in ay xilka wareejiyaan taasina waxa ay inoo hor seedaysaa dibumuqraadiyada aynu qaadanay waxaan aad ugu faraxsanahay in heerkan ay soo gaadho dalada Dhalinyarada Somaliland ee Sonyo. Gabagabadii waxa munaasibadaa soo afmeeray Gudoomiyaha xisbiga Talada Dalka haya mujaahid muuse biixi oo isaguna uga hadlay si la mida masuliyiintii hore uga soo hadlay maashan muuse biixi waxa uu xusay in waxa lugu farxo tahay in maanat golihii lixaad u diyaar yihiin in ay wareejiyaan xilkii loo doortay laba sano ka hor ,waxa uu faray golaha todobaad ee qabsan doona dalada in ay ka sii anba qaadan halka ay maanat marayso .

Mustafe Axmed(Herer)

Herersax@gmail.com

Gobanimonews/Office

Hargeysa/Somaliland