Wednesday, December 24, 2014

Hay’adda IPRT oo 20 Haween ah u Qabatay Tababar

IPRT SOMALILAND 6Hargeisa (GNA) Hay’adda wadaniga ah ee IPRT iyo jaamacadda Abaarso Tech ayaa aqoon-isweydaarsi lagaga hadlayay waxbarashadda madaniga ah u qabatay 20 haween ah oo wax ka barta dugsiga dhaqaalaha guriga ee Xaajiya Haweeya, kaas oo maagalisay hay’adda NED.
Aqoons-isweydaarsigan oo lagu qabtay xarunta dugsigaasi, ayaa lagu baranayay xuquuqda iyo waajibaadka saaran muwaadinka, iyadoo sidoo kale halkaasi ay khabiir ka shaqeeya ha’ayddaasi uu kaga hadlayay qaabka iyo shaqadda baarlamaanka.
Mr. Maxamed Cali Kaahin oo ka mid ah madaxda sarsare ee hay’adda IPRT ayaa ku booriyay ka qaybgalayaasha inay ka faa’idaystaan, gaadhsiyaana haweenka aan fursadda u helin inay helaan tababarkan oo kale. Mr. Maxamed wuxuu xusay inuu aqoon-isweydaarsigani uu yahay mid daba-jooga tababaro taxane ah ah oo hore ay ha’ayaddu u bixisay, kuwaas oo kuwii kan ka horeeyay tababaro loogu fidiyay ardaydda wax ka barata
dugsiyadda sare, laguna tababarayay shaqadda iyo hawlaha uu shacabku u
hayaan golayaasha barlamaanku. Wuxuuna kula dardaarmay ka
qaybgalayaasha inay ka faa’idaystaan muddada uu socdo
aqoon-isweydaarsigani.
Cabdillaahi Xassan Cabdillaahi oo madaxa mashaariicda IPRT ayaa sheegay inay aqoon-isweydaarsigani aanu ahayn kii ugu horreeyay ee ay qabtaan haweenka, balse ay hore u qabteen aqoon-isweydaarsiyo lagu kordhinayo aqoonta madaniga ah, si ay shacabku u noqdaan muwaadiniin wacyigashan, isla markaana garanaya waxa ay xaq u leeyihiin, iyo
waajibaadka ka saaran dalkooda.IPRT SOMALILAND 2
Mr. Cabdillaahi wuxuu ku dheeraaday faa’idadda balaadhan ee ay leedahay inuu qofku ogaado qaabka uu u shaqeeyo dalkiisu; xeerarka u yaala. Wuxuu u sheegay Cabdillaahi inay hay’adda IPRT oo mashaariic ay wado ay ka mid yihiin qaar tababaro xirfaddaha gacanta ah loogu sameeyo dhalinyaradda, si ay u noqdaan kuwo shaqaysta, dadkooda iyo dalkoodana waxtara, kagana badbaadaan afooyinka balwaddaha iyo tahriibka. Wuxuu intaas ku daray inay muddo dheer la soo shaqaynayeen Golayaasha Xeer-dejinta. Haatana barnaamujkani uu yahay mid qayb ka ah siddii bulshadda loogu wacyigalin lahaa hawlaha ay Golayaasha
Guurtidda iyo Wakiiladdu u hayaan shacabkooda.
Nuura Maxamed Ibraahim, oo iyadu ka mid ahayd macalimiinta bixinaysay tababarkan ayaa haweenka uga sheekaysay qodobadda caalamiga ah ee xuquuqal-iinsaanka, muwaadnimadda, dastuurka, shaqadda iyo qaab-dhismeedka baaralamaanka dimuqraadiga ah, iyo siyaabaha ay
shacabku u ilaashan karaan xorriyaadka uu dastuurku u damaanad-qaaday.
Tababarkan ayaa haweenkaasi qodobadda kale ee ay qaateen ay ka mid ahayd dimuqraadiyadda iyo hannaaka dawladnimo, sida qofka muwaadinka ahi uu awooda ugu leeyahay inuu soo doorto cidda matalaysa, isla markaana ula xisaabtami karo masuuliyiinta dawladda, isaga oo maraya sifo sharci ah.IPRT SOMALILAND 2 IPRT SOMALILAND 4



Ugu danbayntii, Khadija Cabdiraxmaan Muxumad oo ka mid ah ka qaybgalayaasha, ayaa sheegtay inay aqoon-isweydaarsgani uu ahaa mid ay si weyn uga faa’idaysteen. Waxaanay mahadnaq u jeedisay hay’adda IPRT oo fulinaysay barnaamujkan iyo hay’adda NED oo ka maalgalinaysay.IPRT SOMALILAND2