Tuesday, December 23, 2014

Xasan Sheikh:"Midnimada Somaliland iyo Soomaaliya waa horumarka 2015-ka”

Hoos ka dhegeyso Xasan Sheikh iyo Siilaanyo oo Kaaf iyo Kala dheeri ka hadlay  Shirkii Djibouti  kaddib...



xasan iy silanMuqdisho(GNA)-Madaxweynaha Somaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa si cad u sheegay inuu rejo wanaagsan ka filayo in midnimada Somaliland iyo Soomaaliya dib loogu unko wada-hadalada loo balamay bisha Feberuary ee Sanadka cusub ee 2015.



Hadalkan ayuu sheegay shalay gelinkii dambe xilli uu wariyeyaasha kula hadlayay Madaarka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, kaddib markii uu ka soo laabtay socdaal uu ku tegay Dalka Djibouti oo ay kulan ku yeesheen wufuud ka socda dhanka Somaliland.



Madaxweynaha Somaliland iyo weftiga uu hogaaminayay ayaa soo dhaweeyey qodobadii ka soo baxay Shirka Djibouti, waxaannu wasiirka arrimaha dibada Somaliland oo arrinta ka hadlay si gaar ah farta ugu fiiqay in qodobka ugu muhiimsan war-murtiyeedka shirka laga soo saaray uu yahay qodobka ka hadlay in wajiga xigga kan ee wada-hadalada looga hadlo arrimaha Masiirka bulshooyinka khuseeya.



[caption id="attachment_91471" align="alignleft" width="300"]Madaxweynaha oo khudbad u jeedinaya barlamanka Madaxweynaha oo khudbad u jeedinaya barlamanka[/caption]Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud laftiisa ayaa soo dhaweeyay natiijada kulanka Djibouti, waxaanu sidoo kale bogaadiyey sii socoshada arrimaha wada-xaajoodka oo uu rejo ka muujiyay in aakhirka lagu gaadhi doono midnimo Soomaaliyeed oo Somaliland qayb ka tahay.



Hoos ka dhegeyso:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Xasan-dhegeyso.mp3"][/audio]



Hadalkan Xasan Sheikh Maxamuud ayaa u muuqda mid dhabarka uu kaga toogtay Madaxweyne Siilaanyo iyo xubnihii ay ku kulmeen dalka Djibouti oo markii ay Maanta ka soo dageen Magaalada Hargeysa wariyeyaasha u sheegay inay rejo wanaagsan ka qabaan in gooni-isutaaga Somaliland ka midho dhalo wada-xaajoodkan.



Weftiga Madaxweyne Siilaanyo oo war kooban Warbaahinta ku siiyay madaarka Hargeysa, ayaa ku doodday in heshiiskii ka soo baxay shirka Djibouti wax badan ka bedelayo kala fogaanshiyihii u dhexeeyay labada dhan, madaxweyneyaashuna qalinka ku duugeen.



DSC_0148 (1)Lakiinse Madaxweyne Siilaanyo muu soo hadal qaadin saameynta Hadalka ka soo yeedhay Xasan Sheikh ku yeellan karo heshiiskii ay wada gaadheen, iyadoo mid ka mid ah lixdii qodob ee shalay la kala saxeexday uu dhigayay in la dhowrsoonaado waxyaabaha keenaya khilaafka ama caqabadaha ku noqon kara geedisocodka wadahadalada.



Hoos  ka dhegeyso:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Codadka-Madaxweynaha-iyo-Wasiirka-Arrimaha-Dibeda-JSL.mp3"][/audio]



Asxaabta Siyaasadda Somaliland ayaa shaki weyn ka muujinaya hadalada iskhilaafsan ee ka soo yeedhaya hogaamiyeyaasha labada dal ee Axadii ku keliyeysta Shirka saddex geesoodka ah ee uu marti geliyay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.



Gobanimonews



Muqdisho Office



Email: editor@gobanimonews.com