Tuesday, December 23, 2014

War deg dega:Cutubyo ka tirsan ciiidanka qaranka oo ku gaashaaman baabuurta dagaalka oo gaadhay magaalada boorama.

,waxa shalay fiidkii magaalada hargaysa soo dhex maray tiro cutubyo ka tirsan ciidanka milatariga oo ku gaashaaman baabuurta dagaalka kuwaas oo u baxay magaalada boorama,

ciidan qaranBorama(GNA)wararka laga helayo gobolka Awdal ayaa sheegaya in ciidamo tiro badan ay caafa fiidkii gaadheen magaalada Borama kuwaasi oo u sii dhaafayb Qulunjeed,oo la rumaysan yahay in uu ku dhuumalaysanayo suldaankii dhawaan ka falaagoobay somaliland.
ciidamadan oo aad u hubaysan ayaa waxa ay wateen sida ay goob joogeyaal u sheegeen Gobanimonews ugu yaraan 20 baabuurta qoryuhu ku rakibanyihiin ee ay adeegsadaan ciidamadu,waxaana ay u jihaysteen dhinaca xuduudka somaliland iyo Itoobiya oo uu suldaanku ku dhuumalaysanayo.waxa ay arrintani ku soo beegmaysaa xilli uu kulamo Borama ku lahaa madaxwayne kuxigeenka isaga oo bulshada kala hadlayey ilaalinta nabada iyo arrinta suldaanka balse lama oga in kulamadiisaasi dhaleen in cudud ciidan lagu maquuniyo suldaan wabar.xalay fiidkii ayay ahayd markii magaalada hargaysa ay soo mareen guutooyin ka tirsan ciidanka qaranka kuwaas oo ku gaashaanaa gawaadhida dagaalka iyada oo uu horkacaayay taliyaha guud ee ciidanka qaranka sareeyo guuto ismaaciil shaqale.
geesta kalana wararka soo gaadhaaya ayaa sheegaaya in xaalada magaalada boorama ay wakhtigan cakirantahay oo ay tahay mid aan deganayn.
Mustafe Axmed(Herer).
Gobanimonews.com/office
Hargaysa/somaliland
Herersax@gmail.com