Tuesday, December 30, 2014

Xog-hayihii SOLJA Oo Maanta Si Heer Qaran Ah Loogu Aasay Magaaladd Hargeysa

marxuum maxamed rashiidHargeysa (GNA) Alle ha u Naxariistee Xoghayihii Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamed-rashiid Muxumed Faarax, ayaa maanta si heer qaran ah loogu Aasay Xabaalaha Xeedho ee Hargeysa.



Marxuumka ayaa maalinimadii Khamiista shil baabuur ku dhaawacmay,waxaana aroornimadii Jimcaha loo qaaday cisbitaal ku yaal magaaladda Nayroobi ee dalka Kenya halkaas oo uu ku geeriyooday habeenimadii Isniintu soo galaysay,marxuumka ayaa maanta meydkiisa laga soo dejiyay madaarka Cigaal ee magaaladda Hargeysa waxaana lagu aasay xabaalaha Xeedho 



Marxuumka ayaa waxa lagu xusuusan doonaa dedaalkii iyo kartidii uu dadka kale dheeraa ee uu ugu halgamayay saxaafadda xorta ah,hiilkii iyo hawlkarnimadii uu la garab taagnaa xoriyatul qawlka.



Gadaal ayaanu idiinku soo gudbin doonaa taariikh nololeedkii Marxuumka iyo kaalintii uu kasoo qaatay saxaafadda madaxa-bannaan ee Somaliland