Wednesday, December 24, 2014

Madaxweyne Siilaanyo Oo Meel Mariyey Xeerka Codbixiyeyaasha

Hargeysa(GNA).Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa dhaqan galiyay Xeerka lagu maamulayo Codbixiyeyaasha Doorashada iyo diwaangalinta Muwaadiniinta Somaliland oo hore Goleyaasha Baarlamaanku u ansixiyay.
Xeerkan oo muddo muran ka dhex abuuray Golaha wakiilada ayaa Madaxweyne Siilaanyo maanta dhaqan galiyay, waxaana Qoraalka Madaxweyaynaha oo nuqul ka midi soo gaadhay xafiiska shabakada wararka ee Gobanimonews.com uu dhignaa sidan:-
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu xeer madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/WM/240-2867/122014 ku meelmariyey, Dhaqan-galka Wax-ka-bedelka iyo Kaabista Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha Xeer Lr. 37/2007.
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Go’aanka Golaha Wakiillada Go’aan Lr. GW/G/KF-27642/2014 ee
ku taariikhaysan 06/12/2014 ee ay ku ansixiyeen Wax-ka-bedelka
iyo Kaabista Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha
Xeer Lr. 37/2007

Wuxuu soo saaray
Xeerkan oo lagu baahinayo Dhaqan-galka Wax-ka-bedelka iyo Kaabista Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha Xeer Lr. 37/2007.

ALLAA MAHAD LEH
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
Gobanimonews.com.office
Hargaysa/somaliland