Saturday, December 27, 2014

Awdal oo Ciidan Milateri ah oo hor leh la geeyay

ciidan qaranHargeysa(GNA)-Cutubyo dheeraad ah oo ka socda Ciidanka Qaranka Somaliland ayaa la sheegay inay Sabtidii shalay u dhaqaaqeen dhinaca Gobolka Awdal, halkaasoo hurrimo  Ciidan oo gaashaamani gaadheen todobaadkii horena.



Lama xaqiijin tiradda rasmiga ah ee Ciidanka dheeraadka ah ee saaka u guuray furrinta nabaddoon ee Gobolka Awdal, iyo sababta loo diray toona, mana jirto wax tafaasiil ah oo ay ka bixiyeen ujeedadda loo diray Kolanyadan ciidan, Madaxda Wasaaradda Gaashaan-dhiga iyo Taliska Ciidanku , hase ahaatee warar madaxbanaan oo Wakaallada wararka ee GNA ka heshay  Saraakiil sar-sare, ayaa tibaaxaya in ciidanka lagu xoojinayo kuwii hore loo geeyay fadhiisimada Nawaaxiga Magaalada Boorama iyo Deegaamada galbeedka Gobolka Awdal, khaasatan agagaarka Degmada Qol-ujeed.



Warku wuxuu intaasi ku darayaa in xoojinta Ciidanka Qaranka ee  Gobolka ku sugan looga gol-leeyahay in lagaga hortago falal nabad-gelyo daro oo ka yimaada Maleeshiyada uu hogaaminayo Suldaanka Falaagoobay ee Gobolka ka soo jeeda , Suldaan Abubakar Wabar, taasoo maalmihii u dambeeyay todobaadkii ina dhaafay fariimo hanjabaada oo muuqaal ah baraha internetka ku faafiyay, iyagoo ku gaashaaman hub fudud iyo saanad kale oo ciidan.



Warar kale oo laga helayo Gobolka ayaa iyaguna tibaaxaya inay Gobolka laga soo rarayo  Ciidan ka tirsan Booliska ka hor-taga Rabshadaha iyo la-dagaalanka Argagixisada ee RRU-da loo yaqaano oo halkaasi la geeyay markii ay xiisadda ka bilaabantay horaantii bishan,  sababtaas awgeedna  ciidanka milateriga ah ee xoojinta ah loo geeyay si ay u buuxiyaan doorkii RRU-da iyo SPU-da ee sugida nabad-gelyada deegaamada cabsidu ka jirto.



Dhinaca kale, waxa baaqday wefti uu wasiirka arrimaha guduhu ku tegi lahaa Sabtidii shalay Magaalada Boorama, kaasoo ilaa la garanayn sababta baajisay, loose aanaynayo arrimo dhanka nabad-gelyada ah.



Dadka aadka xogogaalka ugu ah xiisadda salka ku haysa tabashadii Duqayda Gobolku madaxweyne Siilaanyo u soo gudbiyeen oo aanay ilaa hada xukuumaddu ka jawaabin, ayaa tilmaamaya inaanay xaaladda gobolku wali ku soo laaban sidii caadiga ahayd oo ay jiraan guux iyo dareemo huursan oo mar walba halis u ah inay rabshado ka dhashaan.



Waxa kale oo dareen weyn laga qabaa in  ficilo gacan ka hadal ahi ka yimaado Kooxda Suldaan Wabar iyo Maayirkii hore ee Degmada Boorama Cabdiraxmaan Shidde, oo inta la ogyahay aanay ilaa wakhtigan wax wada-xaajood ah la furin xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, kana soo hanjabaya goobo aan ka baxsanayn gudaha  Gobolka.