Wednesday, December 31, 2014

Xil.Axmed yasin sh.Ali Ayanle iyo Dhalinyarta Borama oo yeshay kulan noocisa an horay loo arag.

Kulanka oo ay soo qaban qaabiyeen dhalin yar ku bahawday Dallad la magacbaxday Gaashaan oo ka hawlgasha magaalada Borama ayaa maanta ka dhacday Hotelka Rays ee Magaalada Borama.Goobtan oo ay soo buux dhaafiyeen dhalinyar ka kooban wiilal iyo hablo ayaa waxa ka hadlay guddoomiyaha iyo afhayeenka Dalladda Gaashaan oo dhamaantood ka waramay in ujeedooyinka loo aasaasay  ay ugu wayntahay sidii siyaasadda dalka ay uga qaybqaadan lahaayeen.



Xildhibaan Axmed Yasin Sh.Ali Ayanle oo goobta ka jeediyay hadalo u badnaa dhiiri galin iyo xaaladda ka taagan gobolka Awdal ayaa sheegay in siyaasadd ahaan xilligan isagu diyaar u ahayn in uu dhalinyarta ku dhiir galiyo in saamiga ka maqan gobolka lagu raadiyo qori caaradii lakin loo baahan yahay In si salmi ah oo aqooni ku dheehan tahay lagu raadiyo xaqa ama saamiga ka maqan guud ahaan shacabka ku nool galbeedka somalind.



Xildhibaanka ayaa dhalin yarta dib u xasuusiyay xilliyo hore iyo xilligii ay dawladdi dhexe ee Somalia waddanka ka talin jirtay, waxa uu hoosta ka xariiqay in dawladdii dhexe ee Somalia ay reer Awdal u dhiibtay weel madhan oo gobolka Awdal habayaraatee aan laga soo helayn hal mashruuc oo ay dawladdaasi ka fulisay gobolka Awdal. Xildhibaanka ayaa sheegay in Somaliland ay roon tahay marka la eego dawladdii dhexe ee Somalia, lakin loo baahan yahay in isku duubni iyo nabad lagu raadiyo saamiga ka maqan gobolka Awdal.



Xildhibaanka ayaa sheegay in ay dhalinyartu ka fogaato qabyaallada oo ah dareen xun oo ay diinteenu iska taagtay meel adag, xildhibaan ahaanna dhalinyarta Somaliland ay mid u tahay meel kasta iyo gobol kasta oo ay joogaan,waxase xildhibaanku sheegay in ay dhalinyartu tahay laf dhabarta ummadda loona baahan yahay inay bartaan sharciga iyo dastuurka Somaliland si ay xukuumadda ugula doodaan qodoba ay baalmarto.



Dhalinyarta oo aad wajiyadooda ka dheehanaysay sida ay ula dhacsan yihiin lakulanka xildhibaan oo qaarkoodna tixo gabay ay ku ammaanayaan xildhibaanka ayaa gabagabadii kula dul dhacay xildhibaanka su’aalo hor leh oo in badan ay la’aayeen cidd ay waydiiyaan. Su’aalahaas qaarkood ayaa waxa kamid ah in ay dhalinyartu ku wareertay xaaladda gobolka Awdal, ka xildhibaan ahaanna uu tuso go’aanka ay dhalinyartu ka qaadan lahayeen xaaladda gobolka Awdal gaar ahaa go’aanka uu suldaan Wabar qaatay.



Xildhibaanka oo su’aashaasi ka jawaabaya ayaa hoosta ka xariiqay in uu gabi ahaanba ka soo horjeedo go’aanka uu suldaanku qaatay, xilliganna loo baahnayn in qori caaradii waxa lagu raadiyo, lakin ka xildhibaan ahaan uu qaadan doono go’aan ka adag ka suldaan wabar qaatay  si uu u raadiyo xaqqa ka maqan gobolka Awdal.



Dhalin yarta qaar oo la hadlay wakaaladda GNA ayaa aad u dhaliil sanaa xildhibaanka oo ay sheegeen inuu xildhibaanku dano gaar ah ka leeyahay ka hadalka xaaladda gobolka oo looga baahnaa intii uu kulmiye ku jiray inuu aad u raadi saamiga uu hadda ka hadlayo,walaw xildhibaanku arimahaasi horay uga hadlay.



kulankan oo ah kulankii ugu horeeyay ee nuuciisa ah ee dhexmara dhalinyarta gobolka Awdal iyo xildhibaanada golaha wakiilada ee kasoo jeeda gobolka Awdal ayaa u muuqda mid waxwayn ka badalaya hamiga siyaasadeed ee dhalinyarta ku nool gobolada galbeedka.



Mursal Elmi



Gobonimonews