Wednesday, December 24, 2014

Salaadiin, Cuqaal iyo Waxgarad cambaareeyay Go'aanka Guddida Hoodaale

DSC08639 Hargaysa(GNA) Kulan Qado Sharaf Ah Oo Ka Dhacay Hotel Maansoor Ee Magalada Hargaysa Ayaa Waxaa Maanta Iskugu Yimid Dadweyne Farabadan Oo Ka Tirsan Beesha Sacad Muuse, kuwaasoo si adag u cambaareeyay go'aankii Guddida Hoodaale ku kala xusheen siyaasiyiinta Beesha ee Musharaxa Kulmiye oo ay ku tilmaameen mid lid ku danihii Guddida loo doortay.



Munaasibadan oo ay Qeyb Galeen Dadweyne Fara Badan Oo Tiradooda Lagu Sheegay 4000 (Afar Kun OO Qof ), ayaa lagu caddeeyay inay Guddida Hoodaale ka leexdeen ujeedadii loo doortay, kuna milmeen arrimo siyaasaddeed oo ka baxsan ujeedadii loogu doortay horumarinta danaha dhaqan-dhaqaale ee Beesha.



 



Ugu Horena Waxaa Shirkaasi Hadlo Ka Kala Duwan Ka Soo Jeediyey Odayaal Dhaqameedka



Beesha Waxaana Ka Mid Ahaa Oo Shirkaasi Furay Suldaan Cabdiraxmaan Sacad Waxaanu Uu Tilmaamay In Saddexda Musharax Ee Beesha Ka Soo Jeeda Ee Ku Tartamaaya Musharaxnimada Xisbiga Kulmiye AY U Siman Yahiin Yagu Hadii AY Yahiin Madax Dhaqameedkii Beesha Sidaa Darteed Aanay Kala Jeclaysanayn Maadaama Ay Beesha Ka Wada Tirsan Yihiin Isaga Oo Arrimahaas Ka Hadlayeyna Waxa Uu Yidhi "Annagu Hadii Aanu Nahay Odayaal Dhaqameedkii Beesha Sacad Muuse Saddexda Musharaxna Way Noo Siman Yihiin Oo Qaarna Ma Necbin Qaarna Ma Jeclin Waxaanan Leeyahay Intaad Reerka Qaska Ka Deysaan Ku Soo Kala Baxay Xisbiga Aad Ka Tirsan Tihiin Ee Kulmiye Dhexdiisa"



waxaa isaguna halkaa ka hadlay mid ka mida Jiif-caaqillada beesha waxaanu Hanbalyeeyey Dad uu ku Masaalay In AY Fahmeen U Jeedkii Beeshu u dooratay ee arrimaha dhaqanka .
Waxana Uu Duray Qaar Kale Oo UU Ku Tilmaamay inay fahmi waayeen wixii ay beeshu uga wakiilka ahaayeen oo ahayd arrimaha dhaqanka waxaanu yidhi " waxaan halkan ka hambalynaynaa kuwii fahmay wixii uu Sacad Muuse u doortay waanan salaamayaa kuwii ka baydhay wixii ay beeshu u dooratay ee waxaan loo dirsanin dheglayna waxaa leeyahay waad ka baydheen wixii ay Beeshu idiin dirsatay ee ku soo noqday dariiqii laydinku ogaa ee arrimaha dhaqanka iyo hormarinta beesha



Madaxweynahana waanu ugu celinaynaa oo waanu dooranaynaa cid aanu ku doorsanaynaana ma jiro,”ayuu yidhi
Abshir Maxamed Xoodiye oo ka mid ahaa gudigii shirkii agabar oo halkaasi ka hadlay wuxuu yidhi “Khilaafkaasi waxa uu sabab u ahaa qeyb ka mid ah Guddidayadii oo dhabarka laga soo taabtay ayaa waxay nagu soo dhex tureen buuq ay kala yimaadeen shir gaar ah oo lagu qabtay gurri ku yaalla Hargeysa oo tijaarteennu leedahay, sideed xubnood ayay ahaayeen meel baa lagu casuumay, maalintaasi ayuu khilaafkii guddigii agabar bilaabmay. Waxaanse anigu aaminsan nahay inay bilaabantay dhawr bilood ka hor oo muddo dheerba waa nalagu dhex jiray oo xubnaha Guddigayaga midba af baa wax loogu sheegayay.



Annagu Guddi ahaan waxaanu ahayn Guddi Horumarineed ee ma nihin guddi siyaasadeed, shirkii Hoodaalle waxa nalagala dardaarmay inaanaan haba yaraatee wax siyaasad ah gelin, waxa nalagu yidhi haddii aad siyaasad gashaan waad burburi doontaan, nasiib darrose arrinkaasi annaga nagamuu dhalan guddigayaga dhexdiisa wax ka yimid muu ahayn waxay ahayd arrin dibada nalagaga keenay oo nagaga yimid siyaasiyiinta iyo tijaarta.”
“Waxaanu isku daynay markii aanu buuqaas ka bixi waynay inaanu dhegaysanno cidan is haysa waanan u yeedhnay sadex nin oo siyaasiyiin ah oo beesha u dhashay oo sharaf naga mudan oo noo siman, waanu waraysanay waraysigayagu waxa uu ka duulayay oo aanu lahayn gartiina ma noo dhiibateen sidii dhaqanka iyo islaaminimaduba ahayd, waxay ahayd haddii ay gartaas noo dhiibtaan inaanu dhex galo, haddii ay noo dhiiban waayaanna inaanu ka joogsano. Guddigayaga qeyb ka mid ahi waxay noo sheegeen in gartaas naloo dhiibtay, Haddii aan soo xigto hadalkii Cabdicasiis Samaalle oo kale waanu u yeedhnay waliba waanu jujuubnay wuu na soo karaameeyay hadaladiisii waxa ka mid ahaa “Walaaleyaal siyaasad la idiinma diran, annagana arrintayadu meel ayay leedahay lagu kala baxo ee faraha ka qaada,” Markii aanu ku nidhi gartaas ma gallaa oo ma noo dhiibatay wuxuu yidhi “idiinma dhiiban, idiinmana dhiibanayo, anigoo og in dhabarka la idinka soo taabtay oo la idin soo mustafeeyay oo ujeedo gaar ah leh waxba idiinma dhiibanayo,”shakhsiyaga sidaas u hadlaya ee leh waxba idiin dhiiban maayo, inaanu nidhaahdo gartiisa waanu galaynaa waa gef.”



Suldaan Ibraahim Sulub Nuur oo ka hadlay shirkaasi waxa uu yidhi “Salaadiinta taageertay hadalkii nimankii Guddidii Agabar ka mid ahaa gaadheen ee khilaafka abuurtay salaadiinta taageertay waxaan leeyahay waxba ma tihidin. Suldaanka guudna haddii aanay shan jiif caaqil ugu yaraan aanay kalsooni siinin, miyuu kalsooni cid siin karaa, isagiiba kalsooni ma haystee.”
“Salaadiinta kale ee reer Hargeysa ee iyaguna wax baanu taageernay yidhi waxaan leeyahay waxaad tihiin dhidar onkod kiciyay, waxa wanaagsan inaad hubsataan, wixii la isku raacsan yahay ayaa la taageeraa, haddii aanad ka mid ahayn kuwa khilaafkan abuuray ee dadka iska hor keenaya,haddii kale adigaa wax isu dhimaya oo suldaan-na ma tihid waxaad taageertayna wax jira ma aha,”ayuu yidhi Suldaan Ibraahim Sulub Nuur.



Caaqil Cabdilaahi Qalinle Fariid, ayaa sheegay in loo baahan yahay in cidii murashax madaxweyne noqonaysa looga baahan yahay inay ka soo dhex baxaan Golaha dhexe ee xisbigooda, waxaanu yidhi “Inammada siyaasiyiinta ah ee beesha Sacad Muuse waxaan leeyahay madaxtinimada dalka madaxweyne ayaa fadhiya, shanta sannadood ee soo socotana isagaa ku fadhiyaya haddii ALLE yidhaahdo, wixii intaas ka dambeeya markay gaadho waxa idin soo kala saaraya Golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, Ninkii halkaas ka soo baxa markaas ka dib ayaa talladiisa la geli doonaa. Waxaan leeyahay waxba imika idiinma dhowee xisbigiina ku soo kala baxa, midkiina ma necbin dhammaantiin waanu idin jecel nahay siyaasiyiinta intaas ayaan leeyahay.”



“Guddigii ka soo baxday shirkii HOODAALE waxa Sacad Muuse u doortay inaanay siyaasad gelin ee ay horumarinta deegaamadda beesha ka shaqeeyaan. Shirkaas waxa lagu gaadhay in guddiga ay siyaasadda dibada ka tahay. Guddiga intii shaqadii loo doortay ku taagan waanu u ducaynaynaa, qolada ka baydhay wadadii loo doortay waxaan leeyahay horta wadadii waad ka baydheen, waanad dunteen, Sacad Muusena intaa soo hadhay wixii uu ku kordhinayo ha ku kordhiyo, cid aad wax u haysaan oo jeebka idiinku jirtaa ma jirto, inamadana ha wareerinana, ”ayuu yidhi Caaqil Cabdilaahi Qalinle Fariid.
Mustafe Axmed( Herer)
Gobanimonews.com/office
Hargaysa/Somaliland
Herersax@gmail.com