Tuesday, December 23, 2014

Nin lacag badan ku bixiyay isku ekeysiin gabadh wariye ah oo uu tageero

nin-naag-isku-500x330(GNA)Nin u dhashay dalka Maraykanka ayaa lacag badan ku bixiyay sidii uu iskugu ekeysiin lahaa gabadh wariye ah oo uu sheegay inuu taageero u yahay.



Ninkan oo magaciisa lagu sheegay James Parke ayaa lacag dhan 150,000 oo Dollar ku bixiyay sidii uu ugu ekaan lahaa gabadha la yidhaahdo Kim Kardashian oo 23 jir ah kana tirsan Tv,ga la yidhaa Reality TV.



James Parke ayaa tagay goob la isku qurxiyo waxaana uu isku sameeyay qaliin dhanka wajiga asaga oo aad iskugu ekeeyaysiiyay  gabadha uu sheegay inuu taageeraha u yahay.



Mar uu ka hadlay arrintaa Parker  waxaa uu uu sheegay inuu gabadha wariyaha uu aad u jecelyahay mar kastana uu daawado barnaamijyada ay Tv,ga ka ka daadaheyso  waxaana uu intaa ku daray inuu ku hamiyay inuu isku ekaysiiyo.



James Parke waxaa uu imika u muuqaal egyahay gabadha wariyaha ah ee uu taageeraha u yahay waxaana uu u labistaa sideeda oo kale.



“Iyada oo dhan ayaan jeclahay sida muuqaalkeeda codkeeda iyo nolosheeda oo dhan” sidaas waxaa yidhi James Parke.