Saturday, December 27, 2014

Siilaanyo oo berbera ku yimi booqashadii labaad ee ka-daba-rarista Mucaaridka

Bishii November horaantii ayaa madaxweyne Siilaanyo booqday Berbera, maalmo kaddib markii Xisbiga Waddani taageerayaal kulmiye ka soo guuray qaabiley, taana waa mar labaadkii Xumaddii Khamiistii hore kaddib...



Hargeysa(GNA)-Madaxweyneha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa booqasho ugu ambo-baxay gelinkii dambe ee Maanta Magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.



Booqashadan oo ah mid ujeedo badan ah, may ahayn mid Madaxtooyadu wax tafaasiil ah ka bixisay nuxurka ay ku qotonto, waxaana ku wehelinaya  Marwada Koowaad iyo xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada ee xukuumadda.



Inkasta oo aanu jirin wax war ah oo Madaxweynuhu ka soo saaray booqashadiisa Magaalada Dekedda leh ee Berbera, hadana Warar kala duwan oo ka soo baxaya ujeedka socdaalkiisa ayaa tibaaxaya dhowr qodob oo  kala duwan, kuwaasoo hal-muceedkoodu isugu soo biyo shubanayo jawaab uu madaxweynuhu ka bixinayo dareenka Mujtamaca Gobolka ee kacsan, taasoo uu ku shiiqinayo koboca Awooda Mucaaridka oo bishan iyo tii la soo dhaafayba ay magaaladaasi bar-tilmaameedka u ahayd, kaddib markii ay siyaasiyiin badan oo Gobolka Saaxil ka soo jeedaa inta ay xisbiga Kulmiye iskaga huleeleen ay ku biireen xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, kaasoo ay ula guureen  siyaasiyiintaasi Taageeradoodii,. Waxaanay taasi ku ahayd waji-gabax iyo xumad  qasriga madaxtooyada oo Il-gaar ah ku eegga Shacbiga reer Berbera.



Sidaasi darteed, waxa Safarka Madaxweynaha lagu tilmaamayaa mid uu xafladdo kale iyo Ollole Siyaasaddeed kaga daba-rarayo Munaasibad Xisbiga Waddani taageerayaal mug leh oo reer berbera ah ku soo dhaweeyay Toban Maalmood ka hor,  sidii dhacday  bil ka hor oo uu Booqasho noocan ah Madaxweynuhu ku tegay, kaddib markii taageerayaal badan oo reer Berbera ahi Xisbiga Waddani ku biireen, markaasoo ku beegnayd horaantii bishii November.



Taasoo Madaxweyne Siilaanyo Olole siyaasaddeed,  socdaal u eekaa oo aad looga sii shaqeeyay  uu ka bilaabay deegaanka Xamaas, kuna galay Magaalada Berbera, iyadoo uu dhowr magaallo uu kula sii kulmay dad loo sii diyaariyay inay qaabilaan weftiga madaxweynaha, kuwaasoo uu khudbaddo u jeediyay.



Geesta kale, Wararka ku saabsan Safarka madaxweynuhu waxa kale oo ay sheegayaan in isaga iyo  qoyskiisu ay nasasho gaaban u yimaadeen Magaalada Xeebta ku taalla oo xilligan jawiga  Cimiladdeedu aad u fiicanyahay, maadaama lagu jiro Jiilaal oo ay Magaalada Hargeysa ka dhacayso dhaxan aad u daran oo Gabo-dano ah. Waxaana qoyska madaxweynuhu Magaalada Berbera ku leeyihiin Aqal Ban-galo ah oo badda qoorigeeda dhawaan looga dhisay, kaasoo la sheegay in maamulka Dekeddu u dhisay, uguna talo-galeen Madaxweynaha iyo qoyskiisu inay safarrada berbera ku degaan.



Dhinaca kale, waxa soo baxaya warar kale tibaaxaya in ujeedadda ugu weyn ee uu daaran yahay safarka weftiga Madaxweynuhu ay la xidhiidho ollole siyaasadeed, iyada oo ay soo baxayeen cabashooyin badan oo ay dadweynaha magaalada Berbera kaga cabanayeen xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo, in aanu waxba ka fulin balanqaadyadii uu la galay xilligii uu ku jiray ollolihii doorashooyinka ee hore, iyada oo ay taas ay barbar socdaan Xisbiga Mucaaradka ah ee WADANI, oo muddooyinkii u danbeeyay si weyn u kasbaday taageerarada qeybo badan oo ka mid ah shacabiweynaha ku nool gobalka Saaxil, gaar ahaan magaalada Berbera.



Qodobada ugu waaweyn ee ay shacbi-weynaha magaalada Berbera ku xujeeyaan xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, waxa ka mid ah Koronto la'aan baahsan oo ka jirta Berbera, oo uu Madaxweynuhu ballan qaaday markii uu mucaaridka ahaa in uu wax ka qaban doono hadii uu xilka ku guulaysto, iyada oo aanay xukuumaddu weli waxba ka qaban arrintaa, iyo sidoo kale maadaama ay Dekadda Berbera ka mid tahay illaha dhaqaale ee ugu waaweyn Somaliland, in aanay xukuumaddu waxba dib ugu soo celin in magaalada Berbera laga fuliyo mashaariic lagu dhisayo laguna horumarinayo adeegyada kala duwan ee aasaasiga u ah nolosha, sida caafimaadka, oo maanta maraya halkii ugu liidatay ee ugu hoosaysay iyo waxbarashada, biyaha iyo wixii kale ee la hal maala.



Geesta kale, waxbarashada Berbera, ayaa lagu soo waramayaa in ay xoogaa sare u soo yara kacday marka laga hadlayo dugsiyada dawliga ah, balse waxa soo baxaya dayacnaan iyo dayro laga muujinayo Jaamacada kaliya halkaa ku taalla ee lagu barto culluunta badda.



Sidoo kale, Madaxweyne Axmed Siilaanyo, waxa uu ballan qaaday xilligii uu ku jiray Ollolaha doorashada in uu wax ka qaban doono Musuqmaasuqa iyo wax is-daba marinta ka jirta Hay'addaha xukuumadda ee ka hawl-gala gobalka Saaxil, gaar ahaan magaalada Berbera, sida Wasaaradda Maaliyada iyo Dekadda Berbera.



Si kastaba ha ahaatee, waxa hubaal ah in xisbiga kulmiye waa hore lumiyey Kalsoonidii shacbiga reer xeebeedka ah ee Saaxil badankooda, iyadoo ay ugu wacantahay arrimo badan oo tabasho abuuray, waxaana xusid mudan indheer garadka Gobolka badankiisu mucaarid ku yihiin xukuumadda, xataa madaxda xafiisyada dawladda qaarkood.



Gobanimonews



Berbera Office



Email: editor@gobanimonews.com