Saturday, December 27, 2014

Madaxii hore ee Sirdoonka Al-shabaab oo gacanta lagu dhigay

Shabaab Mallaayiin Dollar lagu raadinayay oo lagu qabtay  Ceel-waaq



Ceel-waaq(GNA)-Sakeriye Ismaaciil Axmed Xirsi  oo hore ururka Alshabaab ugu qaabilsanaa Waaxda Mukhaabaraadka ama amniyaadka, ayaa lagu qabtay Magaalada Ceel-waaq ee Gobolka Geddo.



Saraakiisha Dawladda Federaalka Soomaaliya ee Gobolka, ayaa xaqiijiyay in Guri ku yaalla Magaaladaas lagu qabtay Sarkaalkan Ururka Alshabaab, kaddib markii  ciidamada Dawladdu howl-gal ku qaadeen  Guriga laga qabtay oo horey looga war-helay inuu ku dhuumaalaysanayo.



Maamulka Degmada Ceel-waaq iyo Madaxda Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ee Gobolka, ayaa warbaahinta u sheegay  in Ninkan la qabtay uu weheliyay Nin kale oo lagu sheegay inuu Darawalkiisii ahaa, wararka qaarna sheegayaan inuu gacan-yare u ahaa.



“Waxa uu ku hubaysnaa dhowr Baastooladood, waxaanu sheegay markii la soo qabtay inuu is dhiibo oo aanu dagaalamin”ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada Ceel-waaq oo Wariyeyaasha la hadlay qabashada kaddib.



Sakariye Ismaaciil Xirsi, ayaa ka mid ahaa ragga Dawladda Maraykanku lacagta adag dul-dhigtay Madaxooda, waxaana sanadkii 2012-kii madaxiisa la dul-dhigay Saddex Milyan oo dollar oo abaal-marin loo siinayo cidii soo sheegta Macluumaad ku saabsan Ninkaasi ama soo qabata .



Guddoomiyaha Degmada Ceel-waaq ayaa ku baaqay in abaal marinta ninkaas lagu raadinayay qabashadiisa la siiyo ciidanka Dawladda iyo dadkii gacanta ka geystay qabashadiisa.