Tuesday, December 23, 2014

midabka carrabkaaga oo aad ka ogaankartid heerka caafimaadkaaga!

download (3)(GNA)Waxaa suurtogal inaad midabka carrabkaaga ka ogaan kartid heerka caafimaadkaaga, waxaana taasi ay ka mid tahay xikmadaha Ilaahay ummadiisa ku manneystay.



 



Ugu horreyntii waxaa muhiim ah inaad ogaato in midabka carrabka qofka caafimaadka qaba inuu yahay midab u eg ubaxa oo kale, halka midabka carrabka qofka aanu caafimaadkiisa hagaagsaneyn  uu yahay midab madow ah ama caddaan ah. Midabada madowga iyo caddaanka ayaa muujinaya in qofkaasi uu qabo cudurro kala duwan sida xumadda, wuxuuna midabka carrabku jawaab ka bixinayaa xanuun qofka haya.



 



Dhaqaatiirtu waxay sidoo kale carrabka ka eegaan inuu qofku hayo xaalada  dhiig la’aan, iwm, taasoo muujineysa in muuqaalka carrabka loo adeegsado in lagu ogaado xaaladda caafimaad ee qofka.