Wednesday, December 31, 2014

Baashe oo xukuumada ku dhaliilay xadhiga xildhibaanada kuna baaqay in xasaanada loo soo celiyo kuwa xidhan.

Sharcigu Madhigayo In La Xidho Xildhibaano Xasaanad Leh,Xildhibaanada Fadhiga Maq-Naadana Waxaan Leeyahay.Guddoomiye Baashe.
baashewHargaysa(GNA)Baashe Maxamed Faarax Guddoomiyaha 1aad Ee Golaha wakiilada somaliland Ayaa Markii ugu Horaysay Ka hadlay Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Deegaanka Boorama Oo Xabsiga ku jira Isaga oo Xukuumada usoo Jeediyay in Ay Sharciga ilaaliso.

Waxa uu ka hadlay Guddoomiye Baashe Fadhigii Golaha Oo Laba Cisho Kooram La’aan U Furmi Waayay Xildhibaanada waxa uu usoo Jeediyay In Ay Fadhiga Yimadaan.
Sidoo kale waxa uu Sheegay Xildhibaanka Saxeexa Buuga Xaadiriska ee Fadhiga ka Maqan in Loo Aqoon San Doono Xildhibaan Maqan.

Ugu Horayn waxa uu ka hadlayaa Xildhibaano ka tirsan Golaha Deegaanka Boorama Oo Wali Xabsiga ku Jira isaga oo ku Baaqay in Xoriyadooda loo Soo Celiyo.

“Xildhibaanadu Xasaanad Ayay Leeyihiin ,Lakiin Hadii Lagu qabto isaga oo Fal Danbiyeed Gacanta Kula Jara Waa laxidhi Karaa,Siday tahayna waxa weeyaan In Sharciga La Dhawro,Hadii la Doonayo in la xidho waa in Xasaanada Laga qadaa oo Golaha Deegaanka Dib ugu Noqdaan Oo Xasaanada Laga qadaa,waxaana Weeyaan Xildhibaan Ha Ahaado Am Qof Shacab Ahbee waa in Markasta Xukuumadu ilaaliso Sharciga.

Dhinaca kale waxa ka hadlay Baashe Maxamed Faarax Guddoomiye ku 1aad ee golaha wakiilada somaliland Xildhibaanada Oo Fadhigii Ka Soo Xaadiri Waayay todobaadkii u danbeeyay.

“waxa loo baahan yahay in ay Xildhibaanadu Kasoo qayb Galaan Fadhiyada,Maalin Dhawaydna waad Arkayseen Oo Laba Fadhi ayay Kooram La’aani Dhacday Horena way iskaga Dhic-dhici Jirtay Lakiin Xildhibaanada waxaanu kuwada hadalnay in Golaha Si Joogta Ay u Imadaan Wakhti yar ayaa Golaha u hadhay Shuruuc Badanina Way Hadhsan yihiin.

Sidoo kale Waxa uu Baaq u diray Xildhibaanada Saxeexa Buuga Xaadiriska ee Ka dibna iska Baxa isaga oo Xildhibaanka Baxa ku sifeeyay Xildhibaan Fadhiga ka Maqan waxaana uu yidhi.

“Xildhibaanka iska baxa ee saxeexa waxaanu u aqoonsan Doonaa Xildhibaan Maqan,Inta Badan kolay waxa dhacda Ninkasta cidii soo dooratay ayaa daba socota doorashana way soo socotaa Xildhibaanku Dadkiisa wixii uu kula Noqon Lahaa ayuu doonayaa,Waxaana ay ila tahay in Xildhibaan kasta ku Mash-quulsan yahay sidii uu Gobolka uu kasoo jeedo wax badan ugu Qaban Lahaa.

Waxa uu Soo Jeediyay Baashe Maxamed Faarax in xildhibaan kasta uu kasoo xaadiro Fadhiga Si loo ansixiyo Xeerer Badan oo Golaha Horyaal,Xildhibaanada Maq-naada Fadhiyadana waxa uu ku Tilmaamay Guddoomiye Baashe In Xeer hoosaadka Golaha Lagu qaadi Doono.
sikastaba ahaatee hadalka baashe ayaa ku soo beegmaaya wakhti xukuumadu ay xadhigyo kula kacdo xildhibaanada qaranka iyada oo ay hadana qaar ku jiraan xabsiyada dalka.

Mustafe axmed (herer)

GobanimoNews/Office

Hargaysa/Somaliland

Herersax@gmail.com