Sunday, December 28, 2014

Siilaanyo oo Badda u dabaal-tegay

badda iyo silanBerbera(GNA)-Madaxweyne Siilaanyo ayaa loo dabaal-geeyay Badda, kaddib markii uu shalay booqasho ku tegay Magaalada Berbera.



Madaxweynaha ayaa booqashadiisa Berbera xadhiga kaga jaray Mashaariic laga fuliyay Dekeda Magaalada Berbera iyo xarumo kale oo dawli ah.



waxa weftiga Madaxweynuhu maanta booqdeen oo kale xeebta oo dalxiis iyo dabaalasho loo geeyay, iyadoo ay tahay markii labaad ee uu badda ku dabaasho sanadkan gudihiisa sababo dhanka caafimaadka ah awgeed.



Madaxweynaha ayaa talo dhakhtar lagu siiyay inuu joogteeyo gelista biyaha badda oo xannuuno badan ka dawa ah, sida ay aaminsanyihiin khubaradda caafimaadku.