Saturday, December 27, 2014

Awdal: Mawjado qarsoon oo ka qarxay Borama.

Xukuumadda Somaliland oo dhawr jeer ku celcelisay inay soo afjartay xaaladdii gobolka Awdal eek u aadanayd suldaan Wabar ayaa waxa isasoo taray sii kala fogaanshaha hoggaanka dhaqanka ee gobolka Awdal, salaadiin ay hormuud u yihiin suldaan Ibrahim Jamac Samatar iyo A/raxman Jamac Dhawal ayaa sheegay inay salaadiinta iyo cuqaasha gobolku ay kamadax bannaan yihiin fikirka Suldaan Wabar , hase ahaatee  waxa go’aankaa salaadiintu qaateen mid lid ah qaatay suldaan Saleban Cali Ismacil oo ah suldaanka ugu da’da wayn salaadiinta galbeedka Somaliland .



Suldaanka oo in muddo ah ka aamusna fariimaha salaadiinta gobolka Awdal iyo Xukuumaddu oo isku dhinac ahi ku weerarayaan suldaan Abubakar Cilmi Wabar ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay arimo dhawr ah oo u muuqda inay fashilinayaan go’aankii xukuumadda iyo salaadiinta gobolada galbeedku ka qaateen xaaladda suldaan Abubakar cilmi wabar.



Suldaan Saleban ayaa sheegay in go’aanka uu qaatay suldaan wabar masuuliyadiisa ay dusha ku qaadanayaan salaadiinta gobolka oo go’aankaasi dhinacooda kasoo fulay hase aheetee uu suldaan wabar kaliya dheer yahay fulintiisan. Suldaan saleebaan ayaa sidoo kale sheegay in afkoodu gaadhay oo ay isu afgarteen inay goosanayaan haddii xukuumaddu wax ka qaban waydo tabashada ay odayaashu la hor fadhiisteen madaxwaynaha.



Hadalkan kasoo yeedhay suldaan Saleban Cali Ismacil ayaa qaar kamid dadwaynaha gobolku ku macneeyeen mid taageero ah oo uu suldaanku u muujinayo suldaan Wabar, sidoo kale hadalka suldaanka ayaa noqonaya mid abuuraya khilaaf hor leh oo soo kala dhex gala hogaanka dhaqanka sida uu ka dhawaajiyay suldaan saleban laftiisu. Xukuumadda iyo Salaadiinta kale ee gobolku illaa hadda kama hadal  hadalka suldaan Saleban Cali Ismacil, waxase meesha ka muuqda nabar cusub oo ka garab qarxaya kii hore ee ay xukuumaddu dawada u la’ayd.



Xaaladaha is xiga ee gobolka kusoo noqnoqonaya ayaa waxa dadka arimahani u dhuun daloolaa ku macneeyeen macaan iyo qaraar meel ku wada yaal, kadib markii uu suldaan Wabar buuraha galay ayaa waxa magaalada Borama iyo degmooyinka ku dhawdhaw lasoo tubay ciidamo hor leh oo  dadka cabsi galiyay kuwaasi oo ay falanqeeyayaashu ku sheegayaan in xaaladda degdeg ah ee uu gobolku galay u muuqato mid isku astaamo ka dhigaysa Borama iyo Buuhoodle.



Waftigii uu hoggaaminayay madaxwayne ku xigeenku ee in muddo ah u joogay magaalada inay arintan soo afjaraan ayaa markaad dib ugu laabato hadaladoodii waxa kuu soo baxaya in arintii gobolka ee ay sheegeen inay salaadiintu wixii hadhay dhamaynayaan noqonayso mid wax badan layska waydiiyo soo afjarideeda, kadib markii  suldaan saleeban Cali Ismacil sheegay in arintaasi uu shakhsiyan waxba ka ogayn. Jawaabta suldaanka ayaa waxay meesha ka saaraysaa hadalkii ay xukuumaddu ku beerlaxawsanaysay bulshada ka maqan Borama iyo bulshada kale ee reer Somaliland ee ku niyad samaa inay xaaladdu dhamaatay.



Sidoo kale waxay dadku aad u hadal hayaan shir ay ku ballansanayeen bulshada gobolada galbeedku 30-ka bishan oo la qorsheeyay in uu ka dhaco deegaanka Geb ee degmada lughaya, shirkan oo hoggaanka dhaqanku hormuud u ahaayeen islamarkaana salaadiinta gobolka oo isku duubani sheegeen inuu shirkaasi qabsoomay ayaan la ogayn in shirkaasi u qabsoomayo sidii loo qorsheeyay, waxa shirkan aan soo xaadiri doonin Suldaan Wabar oo isagu horay u sheegay inuu ka goostay s/land, halka Suldaan saleeban Cali Ismacil oo  shirka wax laga waydiiyayna sheegay in arintaa ka hadalkeedu xillagay aynan haboonayn isla markaana ka suuldaan ahaan uu ka hadli Karin shirkaas,”iima taallo arintaasi” ayuu ku jawaabay suldaanku.



Si kastaba ha ahaatee xaaladda gobolka Awdal gaar ahaan Borama ayaa u muuqata mid ka yara sahlan sidii hore, walaw dadku isla dhexmarayaan inaynan wax buurani iska badalin marka la eego arimihii uu suldaan wabar. Waxa kale oo dadku aad u hadal hayaan khilaafka soo kala dhex galay salaadiinta gobolka oo noqonkara sida ay dadka qaarkii aaminsan yihiim mid sii adkaysa xaaladda gobolka haddii la waayo isku duubni lagu xallinkaro xaaladda wali kasii taagan gobolka Awdal.



Mursal Elmi



Gobanimonews