Monday, December 29, 2014

UCID: "Berbera waxay noqotay Jasiirrad Madaxweynuhu u dalxiis tago"Daawo

ucid berberBerbera(GNA)-Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee Gobolka Saaxil, ayaa daboolka ka qaaday in Safarkii madaxweyne Siilaanyo Jimcihii ku tegay Magaalada Berbera uu ahaa mid uu ugu xafladaynayay Gabadha uu dhalay ee dhawaan la guursaday, waxaanay tilmaantay in Magaalada Berbera ay noqotay Jasiirrad madaxweyne Siilaanyo u soo dal-xiis yimaado, kolka uu doono oo aanu ujeedo shaqo u iman.



Haweenayda Wakiilka uga ah Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Gobolka Saaxil, waxa kale oo ay shaaca ka qaaday in madaxweynuhu mar kasta oo uu berbera tago uu kharash badan ka lumiyo Gobolka, isla markaana uu hantida bulshada reer berbera inta uu joogo ku dalxiiso.



hadalkan ayaa ka dambeeyay kaddib markii uu madaxweyne Siilaanyo booqasho shakhsi ah oo ay ku weheliyaan marwada koowaad iyo saraakiil Madaxtooyada ka tirsani uu ku tegay Magaalada Berbera, halkaasoo uu maanta dib uga soo laabtay, kaddib markuu laba maalmood joogay.



Halkan hoose ka Daawo Eedeynta Guddoomiyaha UCID: