Wednesday, December 24, 2014

SOLJA: Waa Xaaraan Shirka lagu shaxeeyay Wasaaradda Warfaafintu”

SOLJA



Hargeysa(GNA)-Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Maxamed Rashiid Muxumed Faarax iyo Guddoomiye Ku Xigeenka Ururkaasi Maxamed Cabdi Curad



Xubno ka mid ah Gudiddii la kala diray ee qaban-qaabada shir-weynaha ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja ayaa kulan qarsoodi ah la yeeshay xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda Somaliland.



Wasiiradda Maaliyadda, Madaxtooyada iyo Warfaafinta Somaliland ayaa qorshanaya sidii ay u duwi lahaayeen Majaraha ururka Suxufiyiinta Somaliland, waxaana lagu soo waramayaa in Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland uu dhaqaale buuran ku bixiyay sidii ay xukuumadda lug ugu yeelan lahayd Hogaanka SOLJA.



Kulan Qarsoodi ah oo ka dhacay Magaaladda Hargeysa ayaa lagu shaxeeyay Hogaanka ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, waxaana kaalin muuqata kala xulistooda ku lahaa Wasiirka Madaxtooyada, waxaana loo balansan yahay in shir aanay waxba ka ogeyn guddida



fulinta iyo waliba hogaanka ururkaasi lagu qaban doonaa Maalinta Berri ah Hargeysa.



Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Maxamed Rashiid Muxumed Faarax iyo Guddoomiye Ku Xigeenka Ururkaasi Maxamed Cabdi Curad ayaa xaaraan iyo wax aan la qaadan Karin ku tilmaamay shirweyne ay sheegeen in uu qarsoodi  yahay oo ay afar ka mid ah xubnihii la kala diray ee gudida qaban-qaabada SOLJA Hargeysa ku qabanayaan.



Waxa ay labadan masuul iska dabo mareen in ay guddida fulintu go’aan ay soo saareen ku kala direen guddidii qaban qaabada shirweynaha SOLJA, ka dib markii ay ka leexdeen nidaamkii iyo habkii loo qaban lahaa shirweynaha ururkaasi