Hargeysa(GNA)-Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-madow ayaa Waraysi uu bixiyay ku weeraray Suldaanka Reer Awdal ee dhawaan Gobolka kaga dhawaaqay Maamul-goboleedka Awdal State, kaasoo ku falaagoobay arrintaasi.Boqor Buur-madow oo inta badan beryahan dambe ka mid noqday Taageerayaasha Madaxtooyada, ayaa waraysigan kaga hadlay arrimo badan oo ay dadka badankiisu ku tilmaameen xasarad dabka ku sii shidaysa xurgufta Siyaasaddeed ee ka aloosan Gobolka Awdal.
Qodobada uu kaga hadlay waraysigan oo ay la yeelatay Mareegta Caynabanews, waxa ka mid ah aragtidiisa ku aadan go’aanka Suldaan Abu-bakar Cilmi Wabar, talaabada xukuumaddu qaaday ama kaga jawaabtay dhawaaqa ka soo yeedhay, iyo qodobo kale oo aad u xaasaasi ah.
“hadii dalka Nabad-gelyo daro ka dhacdo waxa iman doonta Muddo kordhin... qof kasta oo Dawladda ka hor-yimaada waa la xidhayaa”ayuu yidhi Boqor Buur-madow.
Halkan ka dhegeyso:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/boqor-buurmadow.mp3"][/audio]
Hadalka ka soo yeedhay Boqor Buur-madow , ayaa ku soo aadaya, xilli xiiisad aad u qalafsani ka taagantahay Gobolka Awdal, taasoo ka dhalatay ku dhawaaqista Jabhad daacad u Awdal State, waxaana waraysiga lala yeeshay Buur-madow aad loogu baahiyay Warbaahinta Maxaliga ah, siiba Wargeysyada ka soo baxa Caasimada.
Dadka ka faallooda arrimaha siyaasadda, ayaa si weyn u hadal haya waxa uu daaranyahay hadalka Buur-madow “ Siilaanyo wax umuu tarin, reer Awdalna wuu sii fogeeyay, waxaanad moodaa inuu ka badheedhay inuu sidan dadka iyo dawladda u kala fogeeyo”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay Siyaasi ka faallooda arrimaha Gobolka.
Falanqeeyayaasha Siyaasadda ayaad moodaa inay aragtiyo isku dhadhow ka bixinayaan hadalka Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-madow, “ Buur-madow maanta hadal umuu banaanayn, waayo xataa hadii uu arrinta ka istaago meel dhexe laguma kalsoonaan karo, waayo inuu Xukuumadda difaacayo ayaa loo arkayaa. Waana nin qoyska dalka xukuma ka soo jeedda” ayuu yidhi Siyaasi kale oo la hadlay GNA.
Sidaasoo ay tahay waxa jira dad iyagu taageeraya hadalka Boqorka, kuwaasoo u badan Taageerayaasha xukuumadda.. “wuu saxsanyahay waxaanu ku hadlay wax xaqiiqo ah,” sidaasi waxa ku doodday mid ka mid ah dadka lugta kula jira saaxada siyaasadda oo ka cudur daartay inaan Magaciisa soo xiggano.
Si kastaba ha ahaatee beyaanka u bixiyay Boqor Cismaan Aw-maxamuud ayaan lagaaga diirsan ama aan laga soo dhaweyn Bulshada dhexdeeda, waxaana loo arkaa hadal dabka ku sii shidaya xiisaadda ka taagan Gobolka.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com