Wednesday, December 24, 2014

Ciidamada Kamaandoowska Oo Gaadhay Magaalada Qulujeed, Iyagoo Amar Ku Qaba Soo Qabashada Suldaan Wabar

kamaadaw ciidanHargaysa (GNA)-Ciidamada qaranka, gaar ahaan kuwa loo yaqaan Kamaandowska ee sida gaarka ah u tababaran ayaa shalay gaadhay magaalada Qulujeed ee gobalka Awdal, iyagoo doonaya inay soo qabtaan Suldaan Wabar oo la tuhunsanyahay inuu jiidaas ku jiro.

Laba guuto oo ka tirsan ciidamada Kamaandoowska ayaa gaadhay jiidaas, iyagoo abaari doona deegaano ay hay’adaha sirdoonka Somaliland aaminsanyihiin inay Suldaanka iyo kooxaha la socdaa ku dhuumaalaysanayaan islamarkaana ay ka soo dirayaan farriimo hanjabaad ah.

Sida uu warku sheegay labadan guuto waxa ay amar ku qabtaan inay soo qabtaan Suldaanka iyo kooxdiisa oo hubaysan, iyadoo uu isla shalay madaxweyne-xigeenka Somaliland Md. Saylici ku dhawaaqay inay xukuumadu Suldaan Wabar u aqoonsantahay khaa’inul wadan. “Ninkaasi wuxuu ka baxay heshiiskii Umadda Somaliland ku heshiisay ee ahaa Cidii ka baxda in Umadda Somaliland meel uga soo wada jeedsato oo gacanta la wada saaro,markaa waxaanu Ninkaas iyo wixii la socdaba u aqoonsanay Nin Qaran dumis ah, waxaanu noogu astaysan yahay Nin Khaa’inul waddan ah.” Ayuu yidhi Saylici.

Si kastaba ha ahaate, labadan guuto ayaa la filayaa inay maanta bilaabaan hawlgalka ay ku raadinayaan Suldaan Wabar oo la tuhunsanyahay inuu ku jiro deegaanada ay ciidanka qaranku abaareen, iyada oo ay amar buuxa ku haystaan qabashada suldaanka falaagoobay ee suldaan wabar.
Gobanimonews.com.office
Hargaysa/somaliland
mustafe axmed herer