Sunday, December 28, 2014

Wasiir Samaale oo Iscasilaya ama la eryayo

wasiir Samaale oo Kursigiisa loo sadqeyn doono tabashada awdal..............



Wasiirka maaliyada Cabdicasiis Maxamed SamaaleHargeysa(GNA)-ka hor intaan Mareegaha Internetka iyo barkulanka Bulshada qaarkood lagu baahin warar Sheegaya in Wasiirka Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale Iscasilayo, xoggo GNA ka heshay ilo-xogogaal ahi waxay tibaaxeen in Wasiir Cabdicasiis Samaale toos loo eryayo,sababo dhanka Siyaasadda la xidhiidha iyo in Kursigiisa loo magacaabayo Siyaasi ka soo jeeda Gobolka Awdal.



Warar kale oo lagu faafiyey Baraha xidhiidhka bulshada iyo mareegaha Maxaliga ah qaar, ayaa iyaguna sheegaya in Wasiir Samaale Iskii isu casilayo, kaddib markii Madaxweynuhu ka codsaday inuu baneeyo Jagaada Wasiirul-maaliyaha oo ka jawaabista tabashada reer Awdal bud-dhig u noqotay.



si kastaba haku timaadee, wararka aanu helnay waxay intaasi ku darayaan in Wasiirka ugu muhiimsan Wasaaraddaha dawladda ee Maaliyaddu Kursiga waayi doono maalmaha inagu soo foolka leh, loona magacaabayo qof ka soo jeeda Gobolka Awdal oo dhaqaalaha wax badan ka yaqaanna, iyadoo loo badinayo Siyaasi qurbo-joog ah in xilkaa loo dhiibi doono.



sidoo kale,waxa la hadal hayaa in Kursiga Wasiirka Maaliyadda loo raacin doono bulshada reer Awdal mid ka mid ah labada Taliye Ciidan ee Booliska iyo Milateriga oo mid ahaan loo dhiibi doono Sarkaal hore uga tirsanaa Ciidankii Soomaaliya oo u dhashay Awdal, kaasoo isaga laftiisu in muddo ah ku sugnaa Magaalada Hargeysa.



Ninkaa labada Taliye Ciidan mid ahaan in lagu bedelayo xoggaha dahsooni sheegeen ayaa magaciisa la yidhaahdaa Gen Cumar yare, waxaana la tilmaamayaa inuu iminkaba Mishiinka Dawladda ku dhex jiro oo uu inta badan kaxaysto Gaadiid dawladdu leedahay, iyadoo loo badinayo taliyaha lagu bedeli doono ka Booliska Cabdilaahi Fadal Iimaan.



Go'aanka Madaxweyne Siilaanyo talaabadan ku fulinayo ayaa aad loogu dhegtaagayaa inay dhacdo beri ama maalinta xigta, gaar ahaan marka uu soo dhamaysto booqashadiisa uu Magaalada Berbera ku joogo, waxaanad moodaa inuu xeebta naftiisa kula soo showrayo si uu fal-celin rasmiya uga bixiyo tabashada saami qaybsiga Kuraasta xukuumadda iyo Shaqaalle hoosaadka salka ku haysa ee Bulshada reer Awdal gayeysiisay inay guluf kala hor-yimaadaan dawladnimada.



Waxa kale oo warku intaas ku daray in Madaxweyne Siilaanyo marka uu ka soo laabto Magaalada Berbera uu booqan doono Gobolka Awdal si uu xiisada kacsan ee Gobolka u waajaho.



si kastaba ha ahaatee waxa dhici karta inay siyaasad kale ka dambeyso in wasiir samaale kursiga baneeyo, taasoo ah inuu banaanka ugu baxo loollankiisa musharaxnimada Kulmiye ee u dhexeeya Guddoomiyaha kulmiye Muuse Biixi Cabdi, kaasoo muddo dheer uu siilaanyo ku soofeynayey Samaale.



Gobanimonews



Hargeysa Office