Friday, December 26, 2014

Shirkii Afduubka SOLJA oo lagu doortay Kooxdii Inqilaabka Salaxday

Muuse Biixi, Maxamed Kaahin, Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta, Agaasimaha Akaademiga Horumarina nabadda, Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Wakiillada SONSAF oo markhaati ka noqday bur-burka  mid ka mid ah Ururrada Bulshada ee ugu xaasaasisan....+ Xuuto, Kurdi + Digaale oo hogaanka Fulinta Afduubka loo doortay iyo ....



xutoHargeysa(GNA)-15 Xubnood oo lagu sheegay Hogaanka Ururka  xukuumaddu afduubtay ee SOLJA, ayaa maanta loogu codeeyay kulan buuq iyo sawaxan hadheeyay oo ka dhacay Hudheelka Amasador ee Magaalada Hargeysa.



Shirkasoo ahaa mid loo qorsheeyay in lagula wareego Ururka Saxaafadda Somaliland ee SOLJA oo ay  muddo dheer xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku taamaysay inay gacanta ku dhigto, ayaa waxa ka qayb-galay Wariyeyaal u badan kuwa ka shaqeeya Hay’addaha Warbaahinta Dawladda, kuwaasoo   loogu talo-galay in lagu muquuniyo cid kasta oo ka hor-timaada qorshaha lagu minjo-xaabiyay Ururka oo madasha ka soo xaadirtay.DSC08726



15 xubnood ee lagu magacaabay Guddida fulinta Ururka SOLJA, ayaa waxa si madax-taabasho ah uga soo dhex xulay Guddoomiyaha Ururka SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf oo ka mid ahaa xubno lagu sheegay Shir-gudoonka Shirka Inqilaabka. Waxaanay ahaayeen xubnaha uu magacaabay kuwo  aan la baal-marin shaxdii habeen hore lagu dejiyay Wasaaradda Warfaafinta ee lagu qaybiyay Guddida Waraabe-utaaga ah ee Maanta Saxafadda horteeda la soo tubay.



Markii uu Guddoomiye Xasan Maxamed magacaabay 15 xubnood oo ay afar ka mid ahi Gobollada ka yimaadeen, ayaa buuq iyo sawaxan meeshu isla oogsatay, kaddib markii Wariyeyaashii u badnaa Dawliga ee goobta fadhiyay ay ka biyo diideen qaabka madax-taabashada ah ee loo xulay dadka hogaaminaya Ururka cusub ee SOLJA, waxaana markii taasi timi Kooxda Shir-guddoominaysa kulanku ay wax yar u dabciyeen xubno ka mid ah ka soo qayb-galeyaasha ka socda Hay’addaha Warbaahinta madaxbanaan oo isu sharaxay si u taraxaan Dadka idmaneyaasha ah ee dawladdu wadato, kuwaasoo iyagana markii dambe  caqabado lagu reebo loo sameeyay.



Xubnaha Shirka lagu magacaabay, waxa u badan Guddidi la kala diray ee Bishii Jully loo saaray Qaban-qaabada Shirweynaha shanaad ee Ururka, kuwaasoo markii ay ku fashilmeen  qabashada Shir-weyne loo dhanyahay  diyaarsaday Xafladan lagu caleemo saaray, oo ay Xukuumaddu gacan weyn ku siisay,isla markaana bilow ilaa dhamaad ku daba taagnayd inay ku hubsato Manaasiibta ay afduubka ku qaateen.



Waxaana ka mid ah Guddi-fulin ku sheegga la caleemo saaray:-




  1. Guddoomiyeha Wargeyska Waaheen Maxamuud Cabdi Jaamac oo loo magacaabay Guddoomiyaha SOLJA-DA Dawliga ah ee cusub


  2. Guddoomiye ku-xigeenka Wakaallada Wararka Dawladda ee SOLNA Xuseen Maxamed Gurdi oo laga dhigay Xog-haya Guud


  3. Wakiilka Telefishanka Horn Cable ee Burco  Kayse Axmed Digaale lagu magacaabay Guddoomiye ku-xigeen.


  4. Saleeban  Ibraahim Xaashi oo ka mid ah Wargeyska Wasiirka Warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse


  5. Guddoomiye Wargeyska Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadu leeyahay ee Foorre Maxamed Ilka-case


  6.  Maxamed Cabdi Boosh oo ka socday Horncabletv


  7. Ibraahim Qaasim


  8. Maxamed Siciid


  9. Mowliid oo ka socday Wasaarada Warfaafinta


  10. Mukhtar Cabdiraxmaan oo ka socday Wasaaradda Warfaafinta


  11. Saynab maxamed Cabdi oo ka socotay Wasaaradda Warfaafinta


  12. Xayaad Maxamed Cabdilaahi oo ka socotay Wasaaradda Warfaafinta


  13. Haashim Good oo ka socday Gobolka Awdal


  14. Maxamed Axmed Jaamac (Calloolay), oo ka mid ahaa Guddida Fulinta SOLJA.


  15. Yaxye Sheikh Ismaaciil oo ah Wakiilka Royaltv ee Hargeysa, kana mid ah Dadka ku jira Saxaafadda ee xukuumadda la shaqeeya.




15 Ruux ayaa laga soo dhex xushay, 93 qof oo Ergo Shirweyne lagu magic-dhabay, kuwaasoo qaar gacanta u taagay oo u codeeyay iyo qaar ka baxayba isugu jiray.



Guddoomiyaha Ururka SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf oo Shir-guddoomiyay Madashan Ururkii uu madaxda u ahaa  dawladda loogu wareejiyay, ayaa isagoo madasha ka hadlaya yidhi “saddexdii sannadood ee aan xilka hayay xanuun waxaan ahayn kamaan korodhsan xilka aan hayay”ayuu yidhi.



Madashan ay xukuumaddu ku hantiday Ururkii qudha ahaa ee u dhaqdhaqaaqyay Saxaafadda dalka, ayaa waxaan ka soo xaadirin inta badan guddida fulinta Ururka oo  gaashaanka u daruuray inay cid aan daacad u ahayn horumarinta Saxaafadda, isla markaana awr-kiraale u ah Xukuumadda u dhiibaan Ururka.



Waxaase kaalin firin-fircoon ku lahaa oo xataa Manjaraha Madasha gacanta kula jiray laba Sarkaal oo ka socda Hogaanka sare ee Dallada Ururrada aan Dawliga ahayn ee SONSAF, kuwaasoo ka mid ahaa xubnaha Shirqoolka Magaca Ururka SOLJA.



Sidoo kale, waxa Madashan Afduubka ka qayb-galay oo  Markhaati ka ahaa la wareegida Ururak Saxaafadda Somaliland, Agaasimaha Fulinta ee Akadamiga Horumarinta iyo nabada ee Somaliland Maxamed Xirsi, Guddoomiyeyaasha Xisbiyada Kulmiye UCID , Muuse Biixi Cabdi iyo Eng. Faysal Cali, Guddoomiye ku-xigeenka Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed, Sarkaal ka socday hay’adda free press  iyo Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Cabdisamad Cabdiraxmaan Cabdirashiid oo isugu furay Xaflada Shir-qoolka.



Warbaahinta Somaliland badankeeda ayaa maalintii shalay daboolka ka qaaday inaanay aqoonsanayn, aqbalayna waxa ka soo baxa Kulanka maanta oo ay ku tilmaameen mid xaaraan ah oo aan ahayn Shirweynihii Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA.



solja33



La soco qaybo kale iyo Muuqaalada Kulanka ay Xukuumaddu ku Hantiday Magaca ururka SOLJA...DSC08723



S. Kalshaale



Gobanimonews



Hargeysa Office



Email: editor@gobanimonews.com