Wednesday, December 24, 2014

Reysal-wasaaraha oo la ansixiyay

cumarMuqdisho(GNA)-Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa goor dhow cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, kadib markii uu maanta hortagay Baarlamaanka.



Ilaa 224 xildhibaan oo kulanka soo xaadirtay ayaa 218 Xildhibaan ay cod gacan taag ah ku ansixiyeen Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid, iyadoo Xildhibaano banaanka ku maqnaa la geliyay booska cida ka aamustay, mana jirin cid diiday.



Gudoomiye Jawaari oo shir gudoominayay kulanka ayaa sheegay in 224 Xildhibaan oo soo xaadirtay kulanka 218 ka mid ah ay ansixiyeen, halka lix mudane oo banaanka ku maqnaa oo codkooda aan dhiiban uu geliyay booska aamusnaanta, sidaas darteedna uu ansax ku yahay Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid.



Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa ka hor inta aan la ansixin weydiistay Xildhibaanada Baarlamaanka inay codka kalsoonida siiyaan, isagoo balan qaaday inuu soo dhisi doono Xukuumad dadka iyo dalka matasha, isla markaana gaarsiisa sanadka 2016 doorasho.



Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh oo isna hadlay ka hor inta aan la ansixin Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa ka codsaday Xildhibaanada inay ansixyaan, isagoo sheegay inuu ku kalsoon yahay inuu soo dhisi doono Xukuumad tayo leh.



 Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid oo markii labaad xilka Ra’iisul wasaare qabanaya ayaa laga sugayaa inuu soo dhiso Gole Wasiiro ah, waana inuu muddo 30-cisho gudahood ku soo dhisaa, sida uu qabo dastuurka dowladda, waxaana hadii uu soo dhiso laga sugayaa inuu Baarlamaanka horkeeno si codka kalsoonida loogu qaado.



Intaasi kadib Ra’iisul Wasaaraha ayaa markii uu helay codka kalsoonida ayaa lagu hor dhaariyay Xildhibaanada Baarlamaanka hortooda, waxaana dhaariyay Gudoomiyaha Maxkamada sare ee dalka Avv. Ceydiid Ilka-Xanaf.