Tuesday, December 23, 2014

Nuxurka Arrimo Xasaasi Ah Oo Dhabar-Jab Ku Ah Madaxbanaanida Somaliland Oo Lagaga Hadlay Shir-Doceedyo Qarsoodi Ah Oo Barbar Socday Shirkii Djibouti

sirHargaysa(GNA).Sida ay Haatuf u sheegeen ilo wareedo xogogaal ah oo ku sugan dalka Djibouti shir-doceedyo qarsoodi ah oo barbarsocday shirkii Caasimadda Djibouti ku dhexmaray madaxwaynayaasha Somaliland iyo Somalia ayaa lagaga hadlay arrimo xasaasi ah oo dhabar-jab ku ah madaxbanaanida iyo qaranimadda Somaliland, kuwaas oo ujeedaada ugu wayn ee laga lahaa ahaa dano dhaqaale oo kaliya.
Shir-doceedyadaas ayaa sida xogaha laga helayaa tilmaameen lagaga hadlay heshiisyada shidaal qodista ah ee ay Somaliland la gashay maalqabeenka Yemeniga ah ee deggan dalka Imaaraadka Carabka oo maamulka Muqdisho is hortaageen isla markaana ay dawladda Imaaraadka carabtuna ku raacday, taas oo ay qoyska madaxtooyadda Somaliland ka codsadeen Xasan Sheekh inuu liisanka ogolaanshaha siiyo maalqabeenkaas Yemeniga ah.

Shirarkan qarsoodiga ah oo sida la sheegay aanay wada ogayn waftigii madaxwayne Siilaanyo la socday oo dhami ayaa waxa dabada ka riixaya wiilka uu sodoga u yahay Siilaanyo ee Baashe Cawil iyo Marwadiisa Aamina Waris oo heshiisyo hoose oo dhaqaale la leh maaqabeen kaas Yemeniga ah, isla markaana lacag badan-na ka hela. Waxaanay qoyska madaxtooyada ku dhiiradeen arrinntan khatarta ku ah jiritaanka Somaliland iyagoo si dhuumasho ah uga codsaday madaxwaynaha Somalia inuu u saxeexo heshiisyada uu maalqabeenkaas Yemeniga ahi la galay Somaliland.

Sidoo kale Madaxwaynaha Vila-Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isna dhiniciisa la sheegay inuu taa badelkeed inuu Siilaanyo ka ansixiyey arrimo ay ka mid yihiin inaynu dawladda Somaliland aqbasho in heshiisyo kasta oo ay la galayso shirkado caalami ah inay u daba-fadhiisato dawladda federaalka ah ee Somaliland, arintaasi oo noqonaysa masiibo qaran hadii ay dhacdo.

Dhinaca kale sida ay xogahaasi tibaaxeen wasiirka madaxtooyadda Xirsi Xaaji Cali Xasan ayaa kala soo balamay Waftiga ka socda Somalia arrinta magacyada wasiirada ka soo jeeda Somaliland ee ka mid noqonaya xukuumadda Somalia. Inkastoo uu Siilaanyo markii hore ka booday arrintan markii denbe sida la sheegay wasiirkiisa madaxtooyadda Mr Xirsi ayaa u laqimay arrimahaasi, isla markaana mawquudcyadan qarsoodiga ah ayaanay ka warqabin wasiirada kale ee La socdaa Waftiga madaxwaynaha Somaliland.

Si kasta ha noqotee Labadan arrimoodba waa kuwa caqabad wayn ku ah madaxbanaanida Somaliland ku naaloonaysay mudada dheer, kaas oo shaki badan ka galinaysa ummadda Somaliland kalsoonida xukuumadda gabalkeedu sii dhacayo ee madaxwayne Siilaanyo.

Mida kale waxa muuqata in dalkii iyo dadkii is-haystay ee madaxwaynihii hore Dahir Rayaale ku wareejiyay Siilaanyo 28 July 2010-kii inuu hadda kala furfurmay, isla markaana khatar ay jirto madax banaanidii Somaliland.
Mustafe Axmed herer
Gobanimonews.com
Hargaysa/somaliland
xigasho haatuf