Friday, December 26, 2014

AMISON Oo Sheegtay In Saddex Askari kaga Dhinteen Weerarkii Shalay Xaruntooda Lagu Qaaday

Muqdisho(GNAl)— Taliska guud ee AMISOM ayaa war ka soo saaray weerarkii Khamiistii shalay lagu qaaday Xaruntooda ugu weyn Muqdisho ee Xalane, kaas oo ay mas’uuliyadiisa sheegatay Al-shabaab, waxaana xarunta gudaheeda muddo saacado ah ka socday iska-horimaad toos ah.



 



Warka kasoo baxay AMISOM ayaa lagu xusay in xoogaggii weerarka kusoo qaaday xeradooda ay xirnaayeen direyska ciidamada dowladda Soomaaliya, ayna isku-dayay inay xerada qal-qal-geliyaan, balse ay ka hortageen.



Sidoo kale, warka taliska ayaa lagu sheegay in dableyda ay muddo saacado kooban ah ka dhex-dagaalamayeen saldhigga, balse intii aysan meelaha ay u arkayeen muhiimka la toogtay.



 



“Iska-horimaadka oo ahaa mid kooban waxaa ku dhintay saddex ka mid ah askarta AMISOM iyo qof ka mid ahaa shaqaalahooda rayidka ah ee xerada, waxaa kaloo lagu dilay shan ka mid ah kooxihii weerarka soo qaaday,” ayuu ku yiri ergayga Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya, danjire Maman S. Sidikou oo warbixinta ku saxiixnaa.



 



Ergayga ayaa intaa ku daray in ciidamada AMISOM ay dib ula wareegeen ammaanka xerada, xaaledduna ay hadda tahay mid wanaagsan, wuxuuna raaciyay intaas inay nabad qabaan shaqaalihii AMISOM iyo kuwa QM ee ka howlgala xerada.



 



Xarakada Al-shabaab oo mas’uuliyadda weerarkan sheegatay, ayaa warbixin ay iyaguna soo saareen waxay ku sheegeen inay weerarkaas ku dileen askar ka tirsan AMISOM oo ay tiradooda ku sheegeen 10-askari, inkastoo aysan ka hadlin khasaaraha gaaray xoogaggii weerarka qaaday.



 



Ma ahan markii ugu horreysay oo Al-shabaab ay weerarto xarunta AMISOM ay ku leedahay Muqdisho, halkaasoo ah goob aad loo ilaaliyo, iyadoo weli la xusuusto in Al-shabaab ay weerar adag ku qaadeen xeradan sannadkii 2010-kii.



 



Si kastaba ha ahaatee, waxaa aad u adag in la helo macluumaad ku saabsan sida weerarka loogu qaaday xarunta AMISOM, iyadoo wariyeyaashana laga hor-istaagay inay warbixinno faahfaahsan ka helaan sida uu weerarkan uga dhacay xerada gudaheeda