Saturday, December 27, 2014

Golaha Wakiilada Oo Ansixiyay Xeerka Xabsiyada

golahaHargeysa(GNA).Golaha baarlamaanka Somaliland Wakiilada iyo Guurtida ayaa maanta Ansixiyay Xeerar, iyadoo Golaha guurtidu ansixiyay Xeerka Komishanka Xakamaynta Aids-ka, wakiiladuna ansixiyeen Xeerka Xabsiyada Somaliland oo Guurtida ka soo noqday islamarkaana waxka bedel laxaadleh ay ku samayeen.i
Golaha Wakiilada Somaliland ayaa Ansixiyay Xeerka Xabsiyada Dalka lagu maamulayo oo ka soo noqday Guurtida ka dib markii waxka bedel lagu sameeyay 22 Qodob oo Wakiiladu hore Xeerkan ugu ansixiyeen balse uu haatan sax ku noqday qaaabka Guurtidu u dhigtay.Qodobadu waxay ku saabsanaayeen in Talaabooyinka ay qaadayaan Maamulka Xabsiyada iyo Taliyaha Asluubtu ay kala tashadaan Wasiirka ama ay qaataan Amaro wasiirka ka soo baxay.
Dhamaan qodobada Guurtidu bedeshay ayaa ku saabsanaa Awoodo Wasiirka Caddaaladdu ku lahaa Maamulka Xabsiyada, kuwaasi oo ku aadanaa amaro ama talooyin Taliyeyaasha Xabsiyada iyo Taliyaha Ciidanka Asluubtu siinayaan ama ka qaadanayaan Wasiirka Caddaaladda balse haatan lagu koobay in amarada iyo Talooyinka ay kala qaaataan Taliyeyaasha Xabsiyada, Hogaanka Xabsiyada iyo taliyaha Ciidanka Asluubtu.
Doorka Wasaaradda Caddaaladda ee Xabsiyadda ayaa lagu koobay, dejinta siyaasadda qaran ee Xabsiyada, Kormeerista iyo dabagalka Xaaladda Xabsiyada,u hawlgalida Dhaqaalaha Xabsiyada, tayaynta iyo kor u qaadista aqoonta taliyeyaasha, soo saarista Xeer-nidaamiyeyaasha iyo arrimo kale oo Maamul guud ah, balse waxaa laga saaray awoodaha wasiirka ee hawlaha Maxaabiista iyo Xabsiyada.
Golaha Wakiilada ayaa waxka bedelka Qodobadaasi Guurtidu ku soo samaysay qodob-qodob u ansixiyay, iyagoo xeerkana si guud ugu ansixiyay Cod Aqlabiyad ah.
Golaha Guurtida ayaa iyana Meel Mariyey Xeerka komishanka Xakamaynta Aid-ska.
Mustafe Axmed(Herer)
Gobanimonews.com.office
Hargaysa/somaliland
Herersax@gmail.com