Thursday, December 25, 2014

Xisbiga waddani oo soo dhaweeyay taageerayaala ka tirsan gobalka /jeex

waqddHargaysa(GNA):- Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Wadani Ayaa Waxaa Uu Maanta Xaflad Balaadhan Oo Soo Dhaween Ah U Sameyey Tageerayaal Aad U Tiro Badan Oo Iskugu Jira Tageerayaal Ka Soo Jeeda Xaafadaha Maxamuud Haybe Iyo Maxamed Mooge Ee Magaalada Hargaysa , Siyasiin, Qaar Ka Mid Ah Xildhibaanada Golaha Deeganka Degmada Salaxley Oo Ku Soo Biiray Xisbigaas,Xafladan Oo Aheyd Mid Aad Loo Soo Agaasimay Isla Markaana Ka Dhacday Hotel Ambasadoor Ee Magaalada Hargaysa Ayaa Waxaa Ka Soo Qeyb Galay Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro Xogahayha Guud Ee Xisbigaas , Xildhibaano , Haween ,Dhalinyaro , Aqoon Yahan Iyo Masuulyiin Kale Oo Ka Mid Ah Saraakiisha SarSare Ee Xisbiga Wadani .

Waxana Ugu Horen Munasibadaas Ka Hadlay Isla Markaan Madasha Ka Yidhi Hadalo Soo Dhaween Ah Xoghayha Arimaha Gudaha Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Wadani Mustafe Qodax Waxana Uu Sheegay In Tageerayshaan Aadka U Badan Ee Ka Soo Jeeda Qaar Ka Mid Ah Degmooyinka Caasimada Hargaya Iyo Siyaasiyiintan Cusub Ee Ku Soo Biiray Maanta Xisbiga Wadani Uu Ku SOo Dhaweenayo Isla Markaana Uu Ku Boorinayo In Qeyb Ka Qaatan Hawlaha Baldhan Ee Xibigaas.

Sidoo Kale Waxaa Isna Halkaasi Ka Hadlay Xildhibaan Ibraahim Mahadi Buubaa Oo Ka Mid Ah Xildhibaanada Aqalka Wakiilada Somaliland Waxana Uu Tilmaamay In Tareeyaashan Cusub Uu Ku Soo Dhaweenayo Qalbi Furan Iyo Niyad Furan Isla Markaana Uu Xisbiga Wadani Yahay Xisbigoodi Cidna Aanay Ka Lahen .

Qaar Ka Mid Ah DHalinyaradii Ku Soo Biirtay Maanta Xibiga Wadani Oo Madasha Hadlo Kooban Ka Yidhi Ayaa Waxaa AY Xusen In Ay Maanta Madasha Ka Cadeynayaan In Ay Ku Soo Biiren Xisbiga Wadani Isla Markaana Ay Ka Soo Digo Rogteen Xisbiga Talada Haya Ee Kulmiye Oo AY Ku Sheegen In Uu Yahay Mid Ay Ka Wayeen Wax Yaabihii AY Uga Baahnayeen .

Waxana SIdoo Kale Ay Sheegen In Dhamaanba Dhalinyarada Degta Xaafadaha Maxamed Mooge Iyo Mahamud Haybe Ay DHamaantood Hiil Iyo Hooba AY La Garab Taagan Yahiin Xisbiga Wadni Una Arkaan Mid Rumeyn Kara Rajadii AY Lahayeen Ka DHalin Yaro Ahaan Waxana Hadaladoodii Ka Mid Ahaa “ Boobe Yuusuf Ducaale Aya Laga Hayey Hadal Uu Yidhi Anagu Haakah SUgto Ma Nihin Anaguna Waxaanu Maanta Halkan Ka Leenahay Hanbo Sugto Ma Nihin “ Ayuu Yidhi .

Dhinca Kale Gudoomiyaha Olalaha Gobalka Maradi-Jeex Oo Yaduna Madasha Ka Hadashay Ayaa Waxaa AY Sheegtay In AY Aad Ugu Farax San Tahay In Ay Maanta Xafladani DHacado Yadoo Xustay In Xafladan Qabitaankeeda AY Ka Hor Yimadeen Caqabado Badan Oo Ay Ka mId Yahiin In Qaar Ka Mid Ah Masuulyiinta Xisbiga Talada Haya Kulmiye Ay Isku Dayeen In AY Bajiyan Xafladan Isla Markaana AY Rabeen In Dhalin Yarada U Qaybiyaan Lacag Ku Dhan 50.000 Dollor “ Waxaa Ilahay Mahadii Ah In AY Maanta Xafladani Dhacado Xafladan Dhictaankeeda Waxaa Naga Hor Yimid Caqabado Badan Oo AY Ka Mid Tahay In Masuulyiin Waa Weyn Oo Ka Tirsan Xisbiga Kulmiye Ay Isku Dayeen In AY Xafladan Bajiyaan Oo AY Dhalin-Yarada Is Bedel Doonka Ah Ay U Qeybiyaan Lacag Fara Badan Oo Ka Mid Ah Hantidii Qaran Balse Way Ka Biyo Diideen Taas Waanan Ku Hanbalyeynayaa “ Ayey Tidhi .

Xoghayha Warfaafinta Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Wadani Boobe Yuusuf Ducaale Oo Munasibada Hadlo kooban Ka Yidhi Ayaa Waxaa Uu Ka Hadlay Shir Weynaha Ururka Suxfiyiinta Somaliland Ee SOLJA Oo Maanta Ka Dhacaaya Magaalada Haragsay Isla Markaana Garab Ka Ka Mid Ah Hogaanka Ururkaasi AY Ku Gacan Seydheen Waxana Uu Sheegay In Xuukumad Somaliland AY Masuul Ka Tahay Kala Qeyb Sanaantaas Faro Galina Ay Ku Hayso Ururadii Bulshada. Waxaana Uu Yidhi “Halkan Ayeynu Maanta Ku Shiraynaa Dabaqan Inga Hooseyana Waxaa Ku Shiraya Oo Fadhiya Ururkii Suxufiyiinta Somaliland Ee Solja Waa Markii Ugu Horaysay Ee Ay Kala Qeyb Samaan Ee AY Badhana Galaan Badhan Dibada Ka Joogan Saaka Ayey Saxaafada Bayaankoodi Ku Yaalay O Qaar Ka Mid Ah Hooganku AY Hadlayeen .

Dhibta Dadka Gaadhay Waa Taas Waxaa Loo SOo Dhigtay Iminka Waa Ururadii Farsamada Waa Ururadii Xirfada Ee Dhismaysay Ee Ay SONYO Ka Mid Aheyd Ee Aad Arkayseen Madaxweynaha Oo Fadhiya Hortooda Lanagu Cayaayey Taas Ayanu Anigu Dhibta U Arnaa” Ayuu Yidhi

SIdoo Kale Boobe Yusuuf Ducaale Waxaa Uu Shegay In Xuukumada Looga Fadhiyo Siyaaada Rasamiga Ah Ee Xukuumada Somaliland Ka Leedahay Wada Hadlada Ay Dawlda Somaliya La Leedahay .

Waxana Uu Yidhi “Ha La Wado Hadlo Waa Ayenu Hishiino Ma Diidanin Inaga Oo Ujeedadeena Ka Leh Wad Hadladaas Lakiin Waxaan Umada Rer Somaliland Qaban Madaxweynuhu Madaarka Ha Ka Soo Dego Wafti 20 Qof Ahi Ha Tagaan Meel Wada Hadalo Ayaanu Ka Qeyb Galaynaa Ha Yidhadaan Madaxweynahuna Waxaan 40 Daqiiqo Dhameyn Ha Ka Hadlo Waa Mid Aan Is Qabanin .

Waxaa Looga Fadhiyaa Xukuumada Waa Maxay Siyaasada Ay Somalilad Ka Leedahay Wada Hadlada Waxanu Rabnaa Yadoo Qoran Oo Cad Oo Saxeexan Oo Tixraaceda Iyo Baritikool Keeda Leh .

Lakiin Qadiyada Somaliland Ma Mudana Umuna Qalanto Marba Inta Uu Nin Wasiir Ahi Inta Uu Iska Dhoofo Oo Uu Madaarka Ka Soo Dego Oo Uu Na Yidhado Waa Sidaas Iyo Sidaas Nama Qabto Taasi “ Ayuu Ku Soo Koobay Hadal Kiisii Mu. Boobe Yuusuf Ducaale .

Gabo Gabadii Waxaa Madashaasi Ka Hadlay Xogahayha Guud Ee Xibiga Mucaridka Ah Ee Wadani Maxamed Cabdilaahi Uur Cade Waxana Uu Xusay In Taagerayshan Miisanka Culus Leh Uu Maanta Ku Soo Dhaweenayo Xisbiga Wadani.

Ugu Danbeentii Waxaa Xafladaasi Ka Hadlay Isla Markaana Soo Afmeeray Munaasibadaas Gudoomiyaha Xibsiga Mucaaridka Ah Ee Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabilaahi Ciro Waxana Uu Sheegay Gudoomiyahu In Si Niyad Sami AH Uu Ku SOo Dhaweenayo Tageerayshan Aadka U Baxaada Weyn Leh Ee Ku Soo Biiray Xibiga Wadani .

Mustafe Axmed herer

Gobanimonews/ Office
Hargaysa/somaliland
Herersax@gmail.com