Wednesday, December 31, 2014

Daryeelka caafimaadka Dr: John Luis iyo xanuunka dhiig karka. Qaybta 2aad

i1631Daryeelka caafimaadka Dr: John Luis iyo Qaybta 2aad waxa aynu kusoo qaadan doonaa xanuunka dhiig karka ama cadaadiska wareegga dhiigga!



31.December.2015 ( GNA) -Xanuunka dhiig karku waa cadaadis ku yimaada shaqaynta xagga dhiiga waxaana u sabab ah cusbo iyo tufan badan oo ku samaysma xididadda dhiiga. Waana xanuun dhaawici kara halbowlayaasha keenikarana ” faalig” iyo wadna xanuun iyo daal fara badan.



 



Waxaa lagaga hortegi karaa si fudud arimahan soo socda:-




  • Isticmaalka cusbadda oo la yareeyo


  • Socodka oo la badsato ama sportiga


  • Cabidda sigaarka oo la joojiyo


  • Cayilka oo la iska ilaalsho ( dufanka badan )


  • In aad iska yaraysid fikirka badan (Stress)


  • Cabidda biyaha oo iyana muhiim u ah ugu yaraan 2ltr maalintii




Medinet_tulokset_verenpaineHadii isbadal intaa ku iman waayo waa inaad daawadda isticmaashaa xagga dhiig karka ah si joogto ah.



Cabirka dhiigu hadii uu ka hooseeyo  130/85mmHg, waa sida ugu fiican.  Marka uu gaadho 130-139/85-90 mmHg waxaad u baahantahay is ilaalin iyo taxadar badan. Marka uu gaadho 140/90mmHg iyo wixii ka badana waxaa uu keeni karaa halis ah in faalig kugu dhaco hadii aad sii dhayalsatid.



Xanuunkan waa mid inta badan ku yimaada dada 40 jir wixii ka sareeya rag iyo dumarba, waxaana ka mid yahay cuduradda la iska dhaxlo ee xagga tafiirta ama si caadi ahba ugu dhacay.



 




  • Fadlan su´aashaadda nooso raaci waxaa tahay rag ama dumar ah, dada aad jirto, culayskaaga!


  • Wixii su´aalo ah ee ku saabsan daryeelka caafimaadka noogu soo gudbi E-mail editor@gobanimonews.com




La soco qaybaha dambe iyo wixii su´aalo ah jawaabtooda



 



 



GobanimoNews Agency



Helsinki Office