Tuesday, December 30, 2014

War-gelin: Maydka Xoghayihii SOLJA oo Hargeysa la keenayo berito 11:30-AM

maxamed rashiid xogHargeysa(GNA)-Dhambaal War-gelin ah oo naga soo gaadhay Qoyska Xoghayihii Ururka SOLJA AHN Maxamed-rashiid Muxumed Faarax, ayaa lagu sheegay in Jinaasada Marxuumka Magaalada Hargeysa la keeni doono 11:30 arroornimo ee berito hadii alle ka dhigo.



Marxuumka ayaa laga soo qaadi doonaa Magaalada Nairobi oo uu xalay ku Geeriyooday, waxaana lagu aasi doonaa Xabaalaha xeedho ee Duleedka hargeysa.



Haddaba War-gelintan ayaa u dhignayd sidan: “Wargelin: Wargeyska Saxafi iyo Qoyska Reer Muxumed Faarax waxay ku wargelinayaan dhamaan umadda reer Somaliland in Marxuum Maxamed-rashiid la keenni doono madaarka Hargeysa 11:30. Bari Islamarkaana toos loo geynayo oo lagu aasayo Xaabalaha Xeedho, cidii ka qaybgalaysa Jinaasadda Marxuumka sidaas ha ula socdaan.”



Bahda Gobanimo News, waxay Geerida marxuumka ka tacsiyadaynayaan Bah-weynta Saxaafadda, Qaranka Somaliland, qoyska iyo Qaraabada uu ka baxay, Marxuum maxamed-rashiid, waxaanay alle uga baryayaan inuu  Janooyinkiisa ka waraabiyo, Samir iyo iimaan-na  ka siiyo, Umadda uu ka baxay.



Aamin            aamin aaaaaaaaaamin



Inaa lilaahi wa inaa ilaahi raajucuun...