Monday, December 29, 2014

Madaxweyne Siilaanyo oo booqasho ku tegaya Awdal

Ka hor intaanu Boorama u safrin waxa hortaalla laba daran mid dooro!!!



siilaanyoHargeysa(GNA)-kaddib markii uu maanta ka soo laabtay Safar uu ku joogay magaalada Berbera muddo laba maalmood ah madaxweynaha Somaliland,  waxa la filayaa inuu maalmaha soo socda booqasho ku tago Gobolka Xiisadda Siyaasaddeed ka aloosantahay ee Awdal.



Ma jiro war rasmiya oo lagu shaaciyay booqashada madaxweynuhu ku tegi doono Magaalada  Boorama ee xarunta Gobolka Awdal, hase ahaatee ilo-wareedyo laga helay aqalka Madaxtooyada, ayaa GNA u sheegay in Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo uu socdaal shaqo oo caadi ah ku tegi doono halkaas, si uu uga qayb qaato dejinta tabashda Liganta wali ah ee bulshada reer awdal gayeysiisay inay qaarkood dafiraan ka mid ahaanshiyahooda Somaliland.



Laakiinse Ilo-wareedyadu waxay tibaaxayaan in inta aanu booramo u kicitimin  madaxaweynuhu uu jawaab celin  ficil ah ka bixin doono tabashadii ay u soo gudbiyeen Madaxdhaqameedka Gobolku bilihii la soo dhaafay. waxaana la hadal hayaa inuu xilal  Wasiir muhiim ah iyo saraakiil kaleba u magacaabo xubno ka soo jeeda Gobolka.



Dadka ka faallooda arrimaha Siyaasadda ayaa sheegaya inay madaxweyne Siilaanyo hada hortaalo badbaadinta Qarranimada Somaliland iyo midnimada Bulshadu, isla markaana dhinac marka laga eego go'aamada laga filayaa khatar oo dhanka siyaasada ah keeni karaan, siiba arrinta ku saabsan magacaabista Wasiirka Maaliyadda oo sida la sheegay lagu bedelayo siyaasi u dhashay Gobolka Awdal, kaasoo ay isku deegaan yihiin Suldaan Abubakar Wabar.



Si kastaba ha ahaatee Gulufka siyaasaddeed ee hadheeyay Boorama, waxa uu waji-gabax badan ku keenay dadka lexejeclada ka qaba nabad-gelyada waddanka, kuwaasoo aad uga sii walaacay jawaabta Milateri ee ay dawladdu ka bixisay dhawaaqyadii kaganaa ee ka soo yeedhay Taageerayaasha Suldaan Wabar.