Tuesday, December 30, 2014

xildhibaan indho indho oo mudo kordhinta ku tilmaamay mid dastuuriya

“Arinta uu Faysal Cali Waraabe Leeyahay waa Arin Farsamo Waxba Kama Jiraan ee waa Arin Dastuuri Ah,

indho indhoHargaysa(GNA)Xildhibaan Cabdi Qaadir Maxamed Xasan (Indho-Indho) oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Guurtida somaliland ayaa ka hadlay Mudo Kordhin La sheegay in ay u samaynayaa Xukuumada Talada dalka Haysa.

waxa uu sheegay in Ay Xaq u leeyihiin Mudo Kordhinta Balse Aanay waxba ka Jirin Hadalka uu sheegay Guddoomiyaha Xisbiga Ucid ee uu leeyahay Waa arin Farsamo Mudo kordhintu.
Sidoo kale waxa uu ka hadlay Cali Khaliif galaydh oo sheegay inuu Doonayo in Lagu Soo daro Wada hadalka somaliland iyo Somaliya,waxaana uu ku tilmaamay Hadal Nin iska yidhi.

Ugu Horayn waxa uu ka hadlay Hadalka ka soo yeedhay Guddoomiyaha Xisbiga “Arinta uu Faysal Cali Waraabe Leeyahay waa Arin Farsamo Waxba Kama Jiraan ee waa Arin Dastuuri Ah,Anaguna Guurti Ahaan waxaanu Kordhinaa Bil Ka Dib Marka ay Dhaafta Doorashada,Lakiin Iyada oon Doorasho Dhawayn oo Cidii Doorashada ku shaqo Lahayd Aanay wali ka hadal waxa la isku waalo Maaha,imikana waxaaba Doorashada ka Hadhay lix Bilood oo Kaliya.

Xildhibaan Cabdi qaadir Indho-indho oo ka Mid Ah Xildhibaanada Golaha Guurtida somaliland oo hadalkiisa siiwata ayaa intaas waxa uu ku daray.

“Komiishanka ayay ka Timadaa Codsiga mudo Kordhintu Marka Xiligeeda la gaadho Anaga oo eegayna Duruufaha Iyo Xaaladaha Dalka ka jira,Komiishanka iyo Asxaabta Mucaaradka ayaa Wada Kulma Markaas ayay Go’aanka Gadhaan,Lakiin Marka ay mudo Kordhinta Gaadho Cidna Kama Abaashano Dalkuna Gali Maayo Fawdo.

Dhinaca kale Xildhibaanku waxa uu ka hadlay Cali Khaliif Galaydh Hogaamiyaha maamulka Khaatumo oo sheegay in Uu doonayo inuu ka qayb Galo Wada hadalka dawlada somaliland iyo somaliya waxaana uu yidhi.

“Waxaasi Majiraan Laba Dal ayaa aduunku Yidhi wada hadla,Labadaas dalna waa Somaliland iyo somaliya,Waxaana ay ka wada hadlayaan Masiirkooda iyo sidii Ay jaar wanaag ugu wada noolaan lahayeen,Lakiin Anigu Garan Maayo Meel uu Cali Khaliif Anigu Meel uu Cali Khalii ka hadlay iyo Cid uu Doonayo inuu la hadlo Anigu Garan Maayo.

Mustafe axmed herer

GobanimoNews/Office

Hargaysa/Somaliland

Herersax@gmail.com