Saturday, December 27, 2014

Daryeelka caafimaadka iyo Dr: JOHN LUIS oo si tabaruc ah inoogu sharixidoona Q1aad

joonis



26 December 2014 ( GNA) -Dr: John Luis  waa dhakhtar ku takhasusay cuduradda guud ee ku dhaca aadamaha. Hadaba wuxuu dhakhtarku si tabaruc ah inoogu bilaabidoonaa daryeelka guud ee caafimaadka oo todobaadle ah. Hadaba akhristayaasha waxaan ka codsanaynaa in ayna ka xishoonini wixii su´aalo ah ee ku saabsan cudurada guud ee ku dhacaca aadamaha.



Dr: Luis John wuxuu kuula diyaar yahay sidii aad u ogaan lahayd cudurka ku haya iyo talo bixin in si dag dega u gaadhid goobta caafimaad ee kuugu dhow..



Qaybta 1aad:- Xanuunka Jooniska ama Cagaarshowga iyo qaybaha uu u kalabaxo A,B,C,D:- 



Xanuunkan waa mid  ka jira dhamaan dunida waxaanu aad ugu badanyahay dalalka ay aad u hooseyso tayadda xaga nadaafadda: sida Africa, koonfurta iyo badhtamaha America, Asia ooyna dalka (Japan) ku jirin..



Jeermiska xanuunka jooniska oo si fudud ugu faafa xaga raashinka iyo cabitaanka, waana jermis ku dhaca beerka aadamaha, waxaanu u kala baxaa sidan A,B,C,E hepatit. Beerka oo raabuqa (infection) iyo indhaha, jidhka oo isku badila hurdi: Sytomegalo, Epstein Bar, Herpes simplex.



Waxaana aad u halis ah marka uu gaadho C-hepatit oo isaga si fudud loogu kala qaado caday la isla isticmaalo iyo galmadda. Jeermiska xanuunka cagaarshowka ama jooniska waa mid aan hore lo dareemin, qofka marka uu ku dhacona waxaa ku dareemi karaa 2 ilaa 6 wiig waxaana lagu gartaa matag iyo shuban badan iyo jidhka siiba indhaha oo isku badila huruud.



Hepatitis-Virus-Liver



 



 * Sida la iskaga ilaalin karo akhristoow waa inaad gacmaha maydhid mar walba oo aad raashin cunaysid iyo in aad raashin, cabitaan nadiifana aad heshid. Nadaafadda oo aad loo ilaalsho waxay yaraynaysaa halista cudurkan dilaaga ah oo Jooniska.



 



- Fadlan su´aashaada nooso raaci, waxaa tahay Nin ama Gabadh, dada aad jirtid iyo culayskaagga hadaad taqaanid



 



Wixii su´aalo ah ee ku saabsan xaga xaafimaadka noogu soo gudbin E-mail: editor@gobanimonews.com



La soco qaybaha dambe iyo wixii su´aalo ah jawaabtoodda.



 



GobanimonewsAgency



Helsinki Office