Thursday, December 25, 2014

Hay’addo Warbaahineed oo qaadacay Shir lagu af-duubayo Ururka SOLJA oo xukuumaddu dabada ka riixayso

solja



Hargeysa(GNA)-Mulkileyaasha iyo Wariyeyaasha ka howl-gala Warbaahinta Online-ka ah ee Somaliland, ayaa si adag uga soo horjeestay ka qayb-galka Shirka lagu inqilaabayo Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja, kaasoo ay sheegeen in la doonayo in lagu af-gambiyo kulan Maalinta beri ah la diyaariyay oo ka dhacaya Magaalada Hargeysa.



Masuuliyiinta iyo Suxufiyiinta, ayaa shirkaasi oo ay qabanqaabiyeen sida la sheegay xubno ka mid ah guddidii la kala diray ee Shirweynaha SOLJA,  ku tilmaamay mid meesha ka saaraya jiritaankii xoriyada saxaafadda Maxaliga ah ee beryahanba la curyaaminayay, waxaanay bahda saxaafadda uga digeen ka qayb-galkiisa.



Sidaasina waxa u ku sheegeen War-saxaafaddeed ay caawa soo saareen, kaasoo ka soo baxay  shirar u socday labadii gelin ee maanta oo ay kulamo toos ah iyo kuwa Khadka isgaadhsiinta ay ku yeesheenba ahaa.



War-saxaafadeedkaas ayaa sidoo kale, waxa lagu dhaleeceeyay af-duubka qaawan ee lagula kacay Ururkii Metelayay Saxaafadda Somaliland, waxaanay cod dheer baaq ugu direen dhamaan daneeyayaasha xoriyatal-qowlka Somaliland, sida Hay’addaha Xuquuqal-iinsaanka ee caalamiga ah iyo kuwa waddaniga ah iyo sidoo kale wadamada Taageera Dimuquraadiyada.



Waxaanu Warsaxaafaddeedku u dhignaa sidan:-
Warsaxaafadeed: Ujeedo Qaadacaad Shir Xukuumadda U Af-duuban

Maanta oo ay taariikhdu tahay 24-kii bishii 12aad ee Sanadka 2014-ka waxa kulamo toos ah iyo kuwo khadka isgaadh-siinta ahba yeeshay Mulkiilayaasha, Wakiilladda iyo Weriyayaasha ka hawl-galla Mareegaha Online-ka ah ee dalka Somaliland gudo iyo dibabad-ba, waxaanay ku lafa gureen Shir hab qarsoodi ahaa lagu soo yab-yabay oo ay Xukuumaddu sifo Qawaaniinta Saxaafadda baalmarsan ula tahriibinaysay koox ka mid ah Guddidii qaban-qaabada shirweynaha shanaad ee SOLJA ee la kala diray markii Khilaafku saameeyay qabashada shirkas bishii September.
shirkaasoo aanay jirin cid laga talo geliyey oo arrintiisa la socotay, inta laga war-helayna ay abaabuleen Koox ka mid ah Guddida la kala diray oo gacmo xukuumi ah kaashanaya.
haddaba, Markii ay bahda Mareegaha Online-ka ahi ay arrintan rog-rogeen waxa u soo baxday in Shirkani yahay mid ay Xukuumaddu ku maroorsanayso hoggaankii iyo taladii Ururka Saxaafiyiinta Somaliland ee SOLJA oo Xubno Wasiirro ahi ay dabada ka riixayaan Shaqsiyaad dhawr ah oo aan guud ahaan Saxaafadda wada matalin Karin, balse ay suurto-gal tahay inay meelo iyaga u gaara ku magacaaban yihiin Maamulkeeda, sida Hay’adaha ay ka masuulka yihiin.
Bahda Mareegaha Online-ka ahi markii ay arkeen in talaabadani ay ka soo horjeedo Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Xeerka Saxaafadda Somaliland (Xeer No.27/2004), Xeer-hoosaadka Ururka SOLJA oo isagu si buuxda u iftiiminaya Shirweyneyaasha Ururku u qabsoomayaan, iyo Shuruucda kale ee qeexaya aasaaska Ururada bulshada rayidka ah, isna tuseen in arrintani wax u dhimayso sumcada, sharafta, karaamada iyo guud ahaan jiritaanka Mustaqbalka dhow iyo kan fog ee xoriyatul-qowlka, waxa ay Go’aansadeen arrimahan soo socda:-
1- inaanay shirkaas berito ee Kooxda yari sheegatay inay Ambassador Hotel ku qabanayaan aanay ka qayb-gelin guud ahaan iyagoo isku duuban.
2- Waxay guud ahaan Saxaafadda madaxa-banaana u soo jeedinayaan oo ay ugu baaqayaan inaanay Shirkaas ka qayb-gelin, kaasoo ay Saxaafaddu u aragto mid aan jirin oo god madow ku ridaya Xorriyatul qawlka iyo Madax-banaanidii Saxaafadda Somaliland.
ALLA MAHAD LEH



Afhayeenka Bahda Mareegaha Online-ka.
Cabdiqani Cabdillaahi Axmed (Asporo)
Magacyada Masuuliyiinta iyo Wariyeyaasha saxeexay beyaanka
1-Cabdishakuur Maxamuud Haybe /Arabsiyonews.com
2-Cabdifataax Ismaaciiil Mursal/Aftahannews.com
3-Cali Daahir Guuleed/Milicsi.com
4-Saleebaan Cabdi Cali/Gobonimonews.com
5-Mawliid Cali Aadan/Ramaasnews.com
6-Mustafe Cabdi Maxamed (Mustafe Janaale)/Hayaannews.com
7-Cabdifataax Ismaaciil Caarshe/Ogaannews.com
8-Maxamed Jiciir Aw Axmed/Radio Hormuud
9-Cabdiqaadir Aadan Carab/Dhammaysnews.com
10-Siciid Cabdi Xuseen/Damalnews.com
11-Cabdicasiis Koronto/Xogreebnews.com
12-Khadar Cali/Qumannews.com



13-Najax Aadan Cunaaye/Hadhwanaagnews



14- Khaalid Ibraahim Cabdi /Berberanews



15- Axmed Aadan Rooble /Baligubadle Media