Thursday, December 25, 2014

Gudoomiye-xigeenkii iyo Xoghaya Guud Ee Uruka Suxufiyiinta Somaliland (SOLJA) Oo Shil Baabuur Ku Dhaawacmay

xogHargeisa-(GNA)-Gudoomiye ku xigeenka Ururka suxufiyiinta Somaliland (Solja) ahna Mulkiilaha Wargeyska Yool Maxamed Cabdi Curad iyo Xoghayaha Guud ee ururka suxufiyiinta Somaliland Ee Solja  Maxamed Rashiid  Ahana mulkiilaha Wargeyska Saxafi iyo saxafi kale oo ka halgala wargeyska saxafi c/fataax ayaa shil baabuur ku dhaawacmay.Shilkan oo Ka dhacayJidka U dhaxeeya Hargaisa iyo Berbara



sedexdan Suxufi ayaa saaka ay ka anbabaxeen Magaalada Hargeysa ,waxayna u baqooleen dhankaas iyo magaalada Berbera hase yeeshee Baabuurkay wateen ayaa la dhacay



seddexdan  Suxufi ayaa ladhigay cisbatalka berbera.



 maraanu la xidhiidhnay goobjooge ku sugan cisbitaalka magaalada berbera ayaa waxa uu noosheegay in dhaawacoodii loo soo qaaday magaalada loona soo qaaday hargeysa.



Waxaa sedexdaa suxufi dhaawaciisi darnaa xoghayahii solja maxamed rashiid waxaanu lagu wadaa in saacadaha soo socda la keeno magaalada  hargeysa. Wixii warkaa ku soo kordhana aanu idinla socod siindoono, hadii alle idmo