Tuesday, December 23, 2014

10 Qasaacadood oo Coke ah ayaa caafimaadkiisa iyo jidhkiisaba waxka badalay ?

George-Prior-300x199(GNA)George Prior oo ah nin wariye ah ayaa isku dayay inuu ogaado saameynta uu cabida Coca Cola ku yeelan karo caafimaadka qof, isagoo sameeyay daraasad arrintaas la xidhiidha.



 



Si uu arrntaa u ogaado ayuu muddo 30 cisho ah joogto ah u cabayay 10kaa qasacadood ee Coke ah maalin kasta, waxayna taasi saameyn xun ku yeelatay qaab-dhismeedka Jirkiisa. George oo 50 jir ah ayaa markii uu billaabayay daraasadan  wuxuu miisaamay jidhkiisa, wuxuuna ogaaday in cabida coca cola ay kordhisay miisaankiisii, kana dhigtay qof kala daatay oo jidhkiisu aanu dhisneyn.



 



Cadadka ka kooban 10-ka midh ee Coke ah waxay ka dhigtay inuu maalintii cabayay rubac (kiilo afar loo qeybiyay) sonkor ah. Waxaa intaasi u sii dheer sonkorta kale ee ku jirta cuntooyinka kale. Ujeedadada daraasaddan ayaa ahayd inuu ogaaday dhibaatada ay sonkortu u geysan karto caafimaadka dadka.



Isbeddelisbeddel-300x266



 



Bidix: sida uu ahaa ka hor (midig) sida uu noqday  bil kaddib cabida Coke



 



 



Markii uu billaabayay cabida joogtada ah ee coca cola wuxuu miisaankiisu ahaa 78-kiilo, muddo 30 cisho ah kaddibna wuxuu miisaankiisu noqday 86 kiilo, taasoo ka dhigan in miisaanka ku kordhay uu dhan yahay 8 kiilo. Wuxuu kaloo sheegay in dhiig-karkiisa uu sare u kacay. Wuxuu sheegay in markii hore uu cabbirka dhiiggiisu ahaa 129/77, halka markii dambe uu noqday 145/96.