Saturday, December 27, 2014

Mudane ma i Maqashaa?

(sir can you hear me):Q1



XAMSE “Maqaal(Article)  kasta oo aan qoraa wax uu ka turjumayaa xaalada dhabta ah ee uu ka hadlaayo, mana aha mid buun buunin ama beeni ku jirto, isla markaana maaha mid aan ka gaabsanayo ka hadalkiisa”



 



Maqaalkan waxaan kaga hadlayaa in dawladeena aynu ku baarujino in xilka ay hayaan uu turxaan badan yahay misan hore loo sheegay in ninka xilqaaday uu eed qaaday oo uu xil guntaday, taasina waxa caddayna shacabka oo cabashada ay ku hayaan dawladu ay tahay mid maalinba maalin kasii badan tii hore, shalay dadku waxay ka hadlayeen biyo la,aan,laydh la,aan iyo waddoyin la,aan laakiin maanta waxaa intaas uraacaday Cashuurtii oo lugu kordhiyey iyo waddanka oo aan dhaqaale lahayn.



 



Mudane hadii xalada dalku ay tahay mid maalinba maalin kasii daraysa xaga dhaqaalah iyo horumarka ma kula tahay in aad bulshada la hadashid oo aad fariin u dirtid isla markaana qaadid talaabo Qaran oo dhalinta jaamacadaha kasoo qalin jabiyey ee muddada sanaddada badan wax baranaayey in aad ku jiahaysid sidii dhaqaalaha dalka kor loogu qaadi lahaa oo lagaga faaidaysto awoodan cusub ee dhalinta waddanka ku nool hadda hadii ayna iyaguna kaba bixin oo aanay raacin talaabadii kuwii hore ee markii la jihayn waayey iyagu waddo khaldan isku jiheeyey.



 



Muddane qodobka 11aad ee Dastuurka qaranku waxa uu tilmaamayaa Dhaqalaha waddanka isla markaana xaqiijinayaa in kobcin iyo shaqo abuur la sameeyo  waxa uuna u qoranayahay sidan “Si loo xaqiijiyo kobcinta wax-soosaarka, kor u qaadidda heerarka nolosha, abuuridda goobo shaqo, iyo guud ahaan horumarinta dhaqaalaha dalka, dawladu waxay dejinaysaa siyaasadda guud ee dhaqaalaha, oo ku salaysan mabaadi’da suuqa xorta ah iyo isgarabsiga hantida gaar ahaneed, hantida wadareed,hantida qaranka iyo maalgelinta shisheeyaha” muddane qodobkan intiisa ugu muhiimsan ee ah xaqiijinta iy kobicnta shaqo abuur, sida la rumaysan yahay kamay hirgelin waddanka.



 



Haddaba maxay dawladu iyada ayaa waddanka dhaqaalihiisa maamusha ee dawlada laf ahaanteedu u maal-geshan wayday waddanka oo warshado waxsoosaar oo faaido u leh  shacabka ugu samayn weyday, isla markaan ooga faaidaysan weyday xoogan dihin ee dhalinta waxbaratay iyo kuwan muruqa iyo awooda leh ee wixii loo diraba  kasoo baxay, misana miyeyna ahayn in dawladu bilawdo mashuruucyo iskaa wax u qabso ah oo dadka lugu guubaabinayo in ay wax qabsadaan oo waddankooda ka faaidaystaan.



Muddane Ma amar iyo xogo dheeraad ah oo aan la fulin Karin ayey u baahantahay hadii dhalinta meelaha xun-xun fadhida ee qaadka iyo sigaarka ku cunaysa hadii looga faaidaysto waxqabad guud oo iskaa wax-qabso ah isla markaana la hor kaco oo Wasiirada xilalka haya iyo Agaasimayaashu horumuud ka noqodaan Adigun aad noqotid Gudoomiye guud oo dusha kamaamula.



 



Haddaba gacmo wadda jir bay wax ku qabtaane, dadka shacabka ahi gaar ahaan dhalinyardu waxay idhaahdaan xoogaygii iyo cilmigii aanu soo baranay waxaa aanu ugu faaidaynaynaa waddankan aan u dhalanay ee aanu iska leenahay, xaga dawladuna tidhaaha waxsoosaarka waddanka ha kafaaidaystaan dhalinyarda iyo bulshada shacabka ahi oo waddankooda ha kashaqaystaan; is waafajinta(iskubeega) labadan ayaa ah mid muhiim u aha bulshada iyo dawlada.



 



Lasoco qaybta 2aad..........................................................



 



W/Q: HAMSE BAASHE MUHUMED



STUDENT AT ALPHA UNIVERISTY COLLEGE



BBA Accounting And Finance.



E-MAIL: Xamse18@gmail.com



HARGEISA SOMALILAND