Monday, December 29, 2014

Saameyn Xun Xagga Nolosha ah oo Ka Dhalatay Isgaadhsiinta Gobolka Gedo oo Hawada Ka Maqan Todobaadyo

hormud tel;Hargaysa(GNA).Muddo ilaa 3 asbuuc ah waxaa hawada kamaqan adeegii isgaadhsiinta layskula xadhiidho qaar ka midah degmooyinka iyo Tuullooyinka Gobolada Gedo,Bay iyo Bakool,iyadoo dhibaatooyinkaasina ay saameyn xaga nolosha ah ay ku yeelatey kumanaan ruux oo muddo ka badan ilaa 10 sanno isgaadhsiintaasi u isticmaalayey Telefonada gacanta,Adeega EVC+ iyo Fududeynta Internedka.
Ilaa iyo iminka si rasmi ah looma oga sababaha loo jarey Isgaadhsiintii dadka ku dhaqan Goboladaasi ay kula xadhiidhi jireen dalka intiisa kale iyo dibadaba,balse wararka laga helayo ilo xog ogaal ah oo ay ku jiraan Howl wadeenada shirkada Hormuud ayaa sheegaya in ay la xadhiidho khilaaf soo kala dhexgaley Maamulka Hormuud ee degmada Diinsoor iyo Xarakada Alshabaab ,kaasi oo saameeyey degmooyinka kale,inkastoo ay jiraan wada hadalo u soconayo labada dhinac.
Degmooyinka sida weyn looga dareemay Baahida isgaadhsiin la,aanta ayaa waxaa ka mid ah,Diinsoor,Qansaxdheere,Ufurow,Baardheere,Buurdhuubo,Ceelcade,Xudur,Waajid iyo dhamaan Tuullooyinka hoos yimaada degmooyinkaasi,iyadoo deegaanadaasina xilligan ayan jirin Telefono si toos dadku ay kuwada xadhiidhi karaan.
Cabdulaahi Xuseen oo ah Sarifle iyo iibiye Kaadhadhka Hadalka oo degan Degmada Baardheere ayaa shabakada Gobanimonews u sheegay xidhnaanshaha isgaadhsiinta hawada ka maqan in ay saameyn adag ku yeelatey dhaq dhaqaaqa ganacsiga iyo Ismaqalka,isagoo sheegayna sanadahii u dambeeyey in uu kobcayey horomarka isgaadhsiinta iyo Ganacsiga Gobolka,balse xilligan uu cabsi ka qabo Nolosha kumanaan Ruux oo nolol maalmeedkoodu uu ku tiirsan yahay Isgaadhsiinta.
geesta kale batuula maxmaed oo waraysi siisay wariye herer ayaa tidhi,
“Dukaan ganacsi ayaa iiga furan Diinsoor muddo dhan ilaa 10 sano,waxaana iibiyaa,kaararka hadalka,waxaana sarifaa lacagaha EVC+,Maalinkastaana waxaan faa,ido u heli jirey lacag $30 ilaa $20 dolar,taasoo nolosheyda iyo mida Qoyskeyga aan ku maareyn jirey,balse isgaadhsiinta hawada ka maqan waxay hoos u dhac ku keentay ganacsigeyga maadama aanan garaneynin shaqo kale sidaasi waxaa tidhi Batuulo maxamed oo ka mid ah Haweenka Ganacsatada ee Degmada Diinsoor,oo khadka skypka ugu warantay wariye mustafe axmed (herer)
Sida laga soo xigtey Howlwadeeno ka tirsan Shirkada Hormuud ayaa tirada dadka ay saameysay isgaadhsiin la,aanta ee ku dhaqan Goboladaasi ayey ku sheegeen tiradoodu in ay kor u dhaafeyso ilaa 20 kun oo ruux,kuna kala nool magaalooyinka,Tuullooyinka iyo dhulka miyiga ah.
isku soo wada xoodoo dawlada Somalia ayaan wali ka hadal arintan.
Mustafe axmed (herer).
Gobanimonews.com.office
Hargaysa/Somaliland
Herersax@gmail.com