Sunday, December 28, 2014

Maxaa kala haysta Reer Berbera iyo M. Siilaanyo? Daawo dhacdooyin cusub

Siilaanyo oo la shir-tegay Dhacdooyin aan Shaahid iska daaye Sheeko lagu maqal!!hoos ka Daawo Koobka Musharaxnimada Siilaanyo ee Berbera la geeyay...



berbera iyo silanyoBerbera(GNA)-Isagoo ay tamshle galabeed ku weheliyaan, Marwada koowaad Aamina X. Maxamuud Jirde, Taliyaha Ciidanka Booliska, Maareeyaha Haamaha Shidaalka, iyo xubno hoose oo ka mid ah shaqaalaha Madaxtooyadu, ayaa waxa uu Madaxweyne Siilaanyo socod lug ah ku mushaaxay goobo ka mid ah suuqyada dadku isugu yimaadaan gelinka dambe ee maalintii, khaasatan makhaayadaha shaaha laga cabo.



Madaxweynaha ayaan waddan Askar Ilaalo ah oo badan, laakiinse waxa la socday laba saddex askari oo ka mid ah gaadhkiisa khaaska ah, kuwaasoo gaadhi qafilan saarnaa. waxaanu si kedis ah ugu tegay dad shacab ah oo ka shaahaynaya Makhaayado mucayim ah.



Dadka ayaa Salaan kala hortegay Madaxweynaha iyo Sheikha Maareeyaha ka ah Haamaha Shidaalka, oo ay daba socdaan  Taliyaha Booliska Cabdilaahi Fadal iyo saraakiil kale.



Halkan ka Daawo:







Socdaal Madaxweyne Siilaanyo ku joogo Berbera ayaa leh wajiyo dhowr nooc ah, waxaana ugu weyn xod-xodasho siyaasadeed oo uu shacbiga Magaaladan ku dhaqan dareenkooda u janjeedha dhanka Mucaaridka ku dejinayo, taasoo usbuuc iyo dheeraad ka hor ku ahayd falaadh kaga timi muuqaalka reer Berbera oo Irbad mucaaridnimo lagu wada muday, kaddib markii Siyaasiga Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble taageerayaadii looga muujiyay, ay baro dheeraysay Marwo Faadumo Siciid oo ah Gabadh si weyn Madaxtooyadu uga gubato dhaqdhaqaaqyadeeda siyaasaddeed.



"Reer Berberoow, cashuurtii dekeddiina, Haamaha Shidaalka, kalluunkiina, xoollihiina iyo shamiitadiina, madaxtooyada ayaa gaadhi Madow u sii mariyaa wadada hargeysa, wax laydinku soo celiyaana ma jirto"ayay Faadumo Siciid ka sheegtay Khamiistii hore Xaflad xisbiga Waddani ku soo dhaweeyay Boqolaal Taageerayaal ah oo ku soo biiray, taasoo ka dhacday fagaare magaalada dhexdeeda ku yaalla.



Bixinta Iskaraabka ah ee Wershadii  Sibidhka ee hore  ee ku taallay Magaalada Berbera oo afar usbuuc ka hor Kooxo Ganacsato ahi rarteen iyo ficillo kale oo ay Masuuliyiinta Dawladda ee heer gobol iyo degmo, waliba saraakiisha madaxda ka ah xafiisyada Muhiimka ah ee magaalada ku yaalla, sida Dekedda ay u sameeyeen guul-wadeyn xukuumadda ah,  ayay aad uga cadhaysanyihiin qayb ka mid ah shacbiga reer Berbera



Dadka ka faallooda arrimaha Siyaasadda, ayaa sheegaya in jawiga mucaaridnimo ee Berbera ku khasbayo madaxweyne Siilaanyo inuu dadka ku booqdo Makhaayadaha iyo marshafyada ay ku qayilaan dadka caadiga ah ee aan doorka ku lahayn loollanka Siyaasadda, si uu ugu muujiyo debecsanaan ka bad-badisa.



Geesta kale marka dhanka saxda ah layska taago dhex gelista Bulshada ee Madaxweynuhu sameeyay, waxa lagu sifeyn karaa u kuur-gelis dhaqdhaqaaqa iyo xaaladaha hoose ee bulshada caadiga ah, wallow uu taasi samayn lahaa aanay xamaasad siyaasaddeed kaga kacsanayn Gobolka.



Dhanka kale, arrinta aadka u xiisaha badan ee Socdaalka Madaxweynuhu berbera ku joogo barbar socotaa waxa weeye, Koob loogu magac daray Koobka Musharaxnimada Madaxweyne Siilaanyo oo Magaalada Berbera maalmaha soo socda loogu qabanayo toban kooxood oo Kubbada cagta ah.koobka siilaanyi



Koobkan iyo dhamaan qalabka ay ku ciyaari doonaan Kooxaha ka qayb-gelaya tartanka loo dhigay, ayaa waxa uu  isuduwaha Wasaaradda Ciyaaraha ee Gobolka Saaxil,  maanta kala wareegay Maayirka Degmada Berbera Cabdishakuur Maxamuud Cidin, kaasoo Munaasibadda wareejinta kaga dhawaaqay "Koobkan waxa lagu xusayaa  Musharaxnimada Madaxweynaha, waxaana bixiyay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxed Siilaanyo" ayuu yidhi Maayir Cidin.



Sidoo kale, Badhasabka gobolka Saaxil Fahmi Cabdi bidaar oo goob-joog ka ahaa Munaasibada Koobkan lagula kala wareegay, ayaa dhacdo Taariikhi ah ku tilmaamay xuska Musharaxnimada Madaxweyne Siilaanyo loo sameynayo ee Koob-ciyaareedka ah.



Dhanka kale, xubno kale oo ka mid ah Saraakiisha Dawladda ee Gobolka, ayaa si weyn ugu hambalyeeyay qorshahan cid kasta oo door ku leh.



Halkan ka Daawo:







Sheekadda ku saabsan Koobka Madaxweynuhu ku xusayo Musharaxnimadiisa ee dhex yaalla Kooxaha Kubadda Cagta ee reer Berbera, ayaa ah dhacdo aan shaahid iska daaye sheeko ku soo marin Shacbiga Somaliland oo dhan, iyadoo dad badan oo saluugsan Siyaasadda hogaamineed ee Siilaanyo iyo xataa qayb ka mid ah Taageerayaashiisu ku qosleen markii Maanta Daboolka laga qaaday.



Waxaanu Madaxweyne Siilaanyo noqonayaa hogaamiyihii ugu horeeyay ee Somaliland soo mara ee Musharaxnimadiisa u dhiga Koob-ciyaareed, isla markaana loollanka siyaasiga ah dhex geliya Madadaalada Dhalinyarada, siiba Ciyaaraha oo dadka ku foogani ay ka bad-qabaan qadiyadaha Siyaasiyiintu bulshada gashadaan iyo qabyaalada. taasoo aad moodo inuu madaxweynuhu ku beerayo xannuun hor leh dadka iyagu arrimaha ijtimaaciga ah iyo madaddaaladooda khaaska ah kaga mashquulsan xasaradaha kala qaybiya mujtamaca ee hirdanka Siyaasaddu kow ka yahay.



Taasi ka sekow, waxa muuqata inaanu Madaxweynuhu Kalsooni ka qabin guul uu mar kale ku hanto Kursiga, maadaama oo wax-qabad kasta oo ay xukuumaddiisu fulisay la aaminsanyahay inay ka badantahay waxyeellada dadka iyo dalka ka soo gaadhay facaa'ilka dhaawacay midnimada iyo qarannimada dalka mudad afarta sanno iyo dheeraadka ah ee uu xukunka hayay.



Si kastaba ha ahaatee waxa loo wada joogi doonaa, loona daawasho tegi doonaa maalmaha soo socda garoonka lagu qabanayo Koobka Musharax Madaxweyne Siilaanyo oo waji kasta halugu eegge furre u ah dariiq cusub oo ay Musharixiinta Madaxweyne doonka ahi bulshada cod iyo taageero kaga raadiyaan.



S. Kalshaale



Gobanimonews



Berbera Office



berbera iyo silanyo



Email: curad1986@hotmail.com