Tuesday, December 30, 2014

WAR DEG DEGA:Qayb ka mida diyaaradii Air Asia oo la helay

air asiaHargaysa(GNA)Ciidamada bada ee Indonesia oo baadi goobayey diyaaradii AirAsia ee la waayey ayaa sheegay in maanta oo Salaasa ah la helay qeyb kamid ah hadhaagii diyaaradaasi iyo weliba meydad.

40 meyd ayaa laga helay bada jasiirada Java ee dalka Indonesia sida ay xaqiijiyeen maanta guddiga qaabilsan baadi-goobka diyaaradaasi ay lahayd shirkada AirAsia.

Diyaarada AirAsia duulimaadkeeda QZ8501 ayaa la waayey Axadii lasoo dhaafay kadib markii ay kasoo duushay Airporka Surabaya ee dalka Indonesia kuna siijeeday dalka Singapore.

Rakaabka diyaaradaasi saarnaa ayaa gaadhaayay 162 qof waxaana la sheegay in weli aan la helin qeybihii kale ee burburka diyaarada oo weli la baadigoobayo.
wixii ka soo kordha war ka bogo shabakada gobanimonews.com
Mustafe axmed herer