Saturday, December 27, 2014

Xildhibaan Xoog oo madaxweyne Siilaanyo ujeediyay inuu Edbiyo wasiirada loolanka ugu jira jagada uu Hayo

“Anagu Waxaanu La Tartamaynaa Madaxweynaha,Anagu Af-Garan Mayno Haakah Wax La Yidhaa, Haddii Madaxweynuhu Tanaasulayna…”Xildhibaan Xoog

xooga

xooga

xoogaHargeysa(GNA).Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac(Xoog), oo ka tirsan Golaha wakiilada Somaliland,kana mid ah Xisbiga Waddani, ayaa Madaxweyne Siilaanyo kula taliyay inuu Edbiyo Wasiiraddiisa Loolanka ugu jira Jagada uu hayo, haddii uu ka tanaasulayna uu Bulshada u sheego.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog oo Xarunta Baarlamaanka kula hadlay warbaahinta ayaa ugu horayn talo u soo jeediyay Madaxweyne Siilaanyo “Madaxweynaha waxaan eeyahay Aabuhu wuu Edbiyaa Innamadiisa, Adigoo yidhi Musharax baan ahay oo la tartamaya Xisbigan aan ka mid ahay, dee Edbi Wasiiraddaadan kaa ag leh Musharax baanu nahay, waxay ayaan daro ku tahay Asluubta Dawlad-nimadee” ayuu yidhi Xildhibaanku isagoo intaasi raaciyay “Madaxweynaha afkiisa waxaanu ka haynaa laba goor anigaa Musharax ah 5-ta sanno ee dambe, dee hadduu Madaxweynuhu tanaasulay dee dadka si cad ha ugu sheego oo dadka yaanu isku jabinin”.
Xildhibaan Xoog oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaasi raaciyay “Anagu waxaanu la tartamaynaa Madaxweynaha,anagu Af-garan mayno Haakah wax la yidhaa.waxaanu leenahay Madaxweyne Innamada aad Wasiirada ka dhigatay jooji ilayn adigaa nala tartamayee”
Xildhibaan Xoog waxa uu ku Eedeeyay Wasiiradda Loolanka Kulmiye ku jira inay isticmaalayaan Hantida Umadda Islamarkaana Xafladdaha ay Lacago xad dhaaf ah ku bixiyaan “Lacagtaas Waxaan u arkaa tacaddi laga galay Umadda Somaliland iyo Fadeexad weyn.markaad eegto Dakhliga(Miisaaniyadda) waa wada Cashuur, Cashuurtii haddana in la daadaadiyo oo Odayada Jeebabka Lacago looga buuxiyo oo Afar kun oo Qof la casuumo, arrinkaasi Dawladnimada kuma habboona, gef baanu ku yahay Umaddan fakhriga ah ee la daalaa dhacaysa Sixir Bararka.
Waxaanu leenahay Madaxweyne waad Arkaysaa, Wasiiradda isku mushahar baanu nahaye, dee Anagu ma casuumi karo 5 Qof,markaa lacagtan ay ku casuumeen dhawrka kun ee Qof xaggay ka keeneen?”
Xildhibaan Xoog wuxuu u soo jeediyay Musharaxiinta Bacda Siilaanyo ugu tartamaya Kulmiye ee kale Muuse Biixi,Maxamed Biixi iyo Samaale inaanay isku dilin meel aan waxba Oolin “Waxaan leeyahay Saddexda Musharax ha isku dilina meel aan waxba Oollin, oo dadka aad Shaashadaha soo tubaysaan ka daaya waa idinku ceebe, ha isku dilina Gubadkaan gubi doono Biciidka daaqi doona”
Mustafe Axmed(Herer)
gobanimonews.com.office
Hargaysa/somaliland
Herersax@gmail.com