Thursday, December 25, 2014

Xisbiga ucid oo maanta qaabilay xildhibaan hure iyo taageerayaal badan

ucid xil ucidnews yusufHargaysa(GNA)Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka Ucid Ayaa Maanta Tageerayaal mug Leh oo uu wato Xildhibaan Cabdi Mataan hure oo u taagan musharaxnimada Golaha wakiilada Xaflad Balaadhan oo soo dhawayn Ah ugu Qabtay Magaalada Hargaysa.

Boqolaal Tageerayaal Ah oo lulaya Astaanka Xisbiga Ucid ayaa Musharaxa soo Galbiyay waxaana Xaflada Ku soo dhaweeyay Hogaanka Sare ee xisbiga Ucid Oo Uu hogaaminayo Musharaxa Madaxwayne Ee Xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen, Gudoomiye ku xigeenka Saddexaad Mujaahid Cali Guray,Guddoomiyaha Garabka Dhalinyarada, Xog-haye ku xigeenka Xisbiga iyo Marti sharaf Aad u badan.

waxa ay shegeen in Xisbiga Ucid yahay Xisbiga keeni Kara isbadalkii Badali Laha Xukuumada Maanta Talada
Dalka Haysa oo ay ku sifeyeen Mid Bur-burisay Dhamaan Baahiyiin Aasaasiga Ahaa.

Xog-haye ku xigeenka Xisbiga Ucid Cabdinaasir Qodax Ayaa sheegay In Komiishanka Doorashooyinka Qaranka Laga Rabo in Doorashada Wakhtigeeda ku Qabtaan isaga oo Xisbiga Ucid ku Soo dhaweeyay Musharaxa iyo Tageerayaashiisa Muga Leh ee ku soo biiray Xisbiga.

“Komiishanka Doorashooyinka waxaan leeyahay Hawsha Doorashooyinka Ee Baaxada leh ee qaranka oo dhami sugayo Waa inaad Dhamaysaan,Waxaanan leeyahay Sanadkan Xildhibaanada Ugu Badni waxa ay kasoo bixi doonaan ee Golaha wakiiladu waxa ay kasoo bixi doonaan Xisbiga Ucid,Waxaana Soo dhawaynayaa markasta Xildhibaanka Iska sharaxay xisbiga ucid isaga iyo Tageerayaashisa Muga leh,Waxaana inoo Balan Ah ucid oo Guulaysta.

Xildhibaan Cabbdi Risaaq Magaalo oo ka tirsan Xisbiga Ucid ayaa Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer Awal Ugu Baaqay inuu Tageero Musharaxa xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen waxaana uu Yidhi.

“Salaadiinta Waxaan leeyahay Hadii intaad Musharaxiinta Beesha Aad ugu Baaqayso Toddoba Sanadood waxa dhici Doona Jamaal Ayaa Musharax Maanta u taagane Soo raaca Doorashadii Lix Bilood Ayaa ka hadhee,Xisbiga Ucidna Waa Xisbigii Dalka Maanta Halka uu taagan Yahay Kasaari Lahaa,doorasho wad iyo Wax waliba ka So Keeyo intaad u sacabo tumaysaan Maanta Jamaal Salaadiineey iskugu Kaalaya.

Caaqil Xasan oo ka Mid Ah Masuuliyiinta Soo Galbiyay Musharaxa Ayaa sheegay in Loo baahan yahay in La tageero Musharaxa u taagan Doorashada golaha wakiilada Somaliland,Xisbiga Ucidna waxa uu ku sifeeyay Xisbi u taagan Maanta Inuu horumariyo dalka iyo dadkaba,Isaga oo sheegay in Ay Xukuumadani Burburisay Dhamaan Baahiyiin Aasaasiga Ahaa.

Musharaxa u taagan Inuu Doorashada golaha wakiilada Cabdi Mataan hure oo isna Munaasibada Balaadhan ee isaga iyo Tageerayaashiisa loo qabtay ka hadlay ayaa sheegay inuu Maanta laga bilaabo yahay Xisbiga Cadaalada iyo daryeelka ucid,isaga oo tageerayaashiisa muga Leh ugu baaqay in Tageero Midaysan la Garab istagaan Xisbiga Ucid.

“Tageerayaashayda waxaan leeyahay Xisbiga Ucid Laabta u siidaaya,Xisbiga Ucid Lama Kala Laha idinka ayaa iska leh,Cidna Makala Laha,Guushii Xisbiguna way soo iftiintay waxaana aynu nahay kuwii Badali Lahaa Xisbiga Maanta Talada dalka Haya,Madaxwayne Siilaanyo waxaan leeyahay Hadii Aad musharax-nimadaada Aad Maalin ku darto waxba Kama Jiraan Madaxtinimadaada ayaan ku leeyahay Madaxwayne Siilaanyo,waxaan leeyahay Kolaan Dhagax Meel ka qaado wuxuunbaa Tariye Halay Tageero.

Guddoomiyaha Garabka Haweenka Ee Xisbiga Cadaalada iyo daryeelka ucid Xaliimo Cismaan Raage waxaana y Gacmo Furan ku soo dhawaysay Musharax iyo Tageerayaashiisa Muga Leh eek u soo biiray Xisbiga Ucid,waxaan ay Siyaasiyiinta Sacad muuse Ee U tartamaya Doorashada Danbe ee Madaxwayne Siilaanyo Dabadii Ku sifaysay Qaar Gudcur Gudaya,waxaana ay ugu Baaqday in soo racaan Jamaal oo Ah musharaxa U taagan Madaxtinimada dalka.

Mujaahid Cali Guray Guddoomiye ku xigeenka Saddexaad ee xisbiga Cadaalada iyo daryeelka Ucid Ayaa Soo dhaweeyey Musharaxa Ku soo biiray Xisbiga Ucid,waxaana uu soo dhaweeyay Qodobadii kasoo baxay Shirkii Dawlada somaliya iyo somaliland kuwada hadleen Dalka Jabuuti isaga oo ismaaciil Cumar geelana ku sifeeyay Madaxwayne Xogogaal u ah Qadiyada iyo Madax Banaanida somaliland.

Musharax Madaxwayne ee xisbiga Cadaalada iyo daryeelka Ucid Jamaal Cali Xuseen Ayaa isna sheegay in Hadii Doorashada Maalin Lagu daro ay Xaraan Tahay,Waxaana uu nasiib daro ku tilmaamay in ay Xukuumadu mudo kordhin ku doonayso Suldaan wabar Ciidamana Dul dhigtay,Dadka Reer awdalna waxa uu ku sifeeyay qaar Aan looga Baqayn in ay Dumiyaan Qaranimada somaliland.

“waxaad Moodaa In mudo Kordhini Ay gasha gobolka Awdal,Marna Waxa ay gashay Taleex,Marna Waatii lagu hungoobay ee u galay Golaha wakiilada,taasina waxa weeyaan Madaxwayne Falaadhi Gil-gilasho kaagama Godo,Madaxwayne Marba meel Gal Maanta Doorashada Sideeda ayaa Lagaag Doonayaa.

Wada hadalada somaliland iyo dawlada somaliya ee Madaxwaynah Somaliya sheegay in Midnimada soo dhawaatay Madaxwayne Siilaanyaha ka Aamusay waxa uu ku sifeeyay Mid Aan la ogolaan Karin,somaliland waxa uu ku sheegay Mid ka wayn in Go Lagu qaado.

Mustafe axmed(herer)

GobanimoNews/Office

Hargaysa/Somaliland

Herersax@gmail.com