Monday, December 29, 2014

Borama: Kullankii saladiinta iyo W.Warrancadde +Xil. Axmed Yasin oo si wayn loo soo dhaweeyay + xog

Wufuudda sida daadka ugu qulqulaysa magaalada Borama oo ay ugu dambeeyeen wasiirka arimaha gudaha cali Warancadde,wasiirka boosaha iyo isgaarsiinta iyo xildhibaan Axmed yasin Sh.Cali Ayanle ayaa waxa kasoo baxaya ujeedad safarkooda warar is khilaafsan. Wasiirka oo gelinkii dambe ee sabtidii soo gaadhay magaalada ayaa maanta kulan  ay albaabadu u xiran yihiin la qaatay salaadiinta gobolka.



Lama oga ujeedad rasmiga ah ee salaadiinta iyo wasiirku yeesheen, walaw Xubno lagu kalsoonaan karo oo kulankaasi aad ula socotay  sheegeen in salaadiinta gobolka oo la moodo inuu dulqaadkii kasii dhamaanayo wasiirka u sheegeen inay wufuuddii hore ee timid gobolka waxba kusoo kordhin xaaladda gobolka Awdal marka la yimaaddo hadallo u muuqday indhosarcaad oo ay warbaahinta lasoo hor fariisan jireen intii ay magaalada Borama  ku sugnaayeen,” wafti ayaa nooga kiin yimid wuu noqday,madaxwayne ku xigeenkii ayaa yimid isna wuu noqday,idinkuna waad timaadeen waanad noqonaysaan” ayu yidhi mid ka mid ah salaadiinta gobolka.



Wasiirka arimaha gudaha Warancadde ayaa habayaraatee ka gaabsaday inuu faahfaahin dheeraad ah ka bixiyo  xaaladda ka taagan gobolka Awdal iyo xukuumaddu waxay dhinaceeda u qorshaysay ballantii ka dhaxaysay salaadiinta gobolka iyo xukuumadda, waxase wasiirku si ballaadhan uga hadlay nabad galiyada, fariinta ku saabsan nabadda ee uu wasiirku soo gaadhsiiyay gobolka Awdal ayaa waxay dadka qaarkii ku sifeeyeen xogogaal la'aan iyo inaanu xilka uu hayo u madaxbanaanayn, arintaasi oo shaki wayn galisay safarka wasiirka oo la filayay inuu fariin dawo ah soo gaarsiiyo gobolka iyo guud ahaan salaadiinta sugaysa xukuumadda si loosoo afjaro xaaladda iyo tabashada gaamurtay ee ka taagan gobolka.



Dhanka kale waxa maanta si ballaaran loogu soo dhawaayay magaalada Borama, xildhibaan Axmed yaasiin sh.Ali Ayanle oo horraantii bishan si adag u naqdiyay siyaasadda xukuumadda, soo dhawayntan oo ahayd mid aan loo kala hadhin islamarkaana ay ka qayb qaadanayeen qaybaha kala duwan ee bulshada kunool magaalada Borama ayaa imanaysa xilli wasiirka arimaha guduha iyo wasiiirka boosaha iyo isgaarsiintuu kusii sugnaayeen magaalada. Lama oga xidhiidhka ka dhaxeeya safarka xubnahan hase ahaatee waxay u muuqataa in ay u socdaan qaddiyadda in muddo ah ka taagan gobolka Awdal.dhanka kale wararka hoose ee soo gaadhaya warbaahinta GNA waxay sheegayaan in xubnaha wasiirada iyo xildhibaankuba ay gogol xaadh u yihiin safar aan la shaacin wali oo uu madaxwaynaha Somaliland ku iman doono maagalada Borama.



Iskusoo wada dooboo xubnaha ku sugan magaalada Borama ayaa noqonaya waftigii saddexaad ee ka socda xukuumadda iyo siyaasiyiinta gobolka oo muddo saddextodobaad ah soo gaadha magaalada Borama. Ma jiro xalmuuqda oo laga gaadhay xaaladda gobolka Awdal marka laga yimaado xukuumadda iyo salaadiinta gobolka oo awood muuqata iyo mid dahsoonba u adeegsatay dejinta xaaladda gobolka Awdal gaar ahaan magaalada Borama.



hoos ka daawo lecture-ka Wasiirka



http://youtu.be/dgeqb6O_oVc 



Mursal Elmi 



Gobanimonews