Tuesday, December 16, 2014

DEG DEG:-Dagaal Culus oo ka qarxay Saakay G/Sh.Hoose..

Hargaysa(GNA).Wararka naga soo gaaraya magaalada marka Ee Xarunta gobolka shabeellaha hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaal aad u culus uu ka qarxay duleedka magaaladaasi gaar ahaan degaanka buufoow bacaad oo hoostagta magaalda marka.
Dad kusugan magaalad marka ayaa inoo xaqiijiyey in lamaqlayo dhawaqa rasaasta ay labada dhinac is weydaar sanayaan iyadoon dagaalka uu sii xoogeysanayo waa sida daka nala hadlay ay inoo xaqiijiyeen
dagaalka ayaa waxaa uu u dhaxeyaaa Laba maleshiyo beeleed oo wada dega halkaasi kuwaas oo waayadanba dirir ay ku dhax mareysay degaanada gobolka shabellaha hoose.
Qasaaraha dagaalka kadhashay ayaan weli sirasmi ah loo hayn waxaasa warar horu dhac ah ay inoo shegyaan in dhimashada ay gaareyso ilaa iyo 5 maleshiyo oo kawada tirsan labada dhinac iyo dhaawac intaa kabadan
Magaalada marka,shalan bood,janaale,buufoow,No50,Ceel waeegoow iyo meelo kale oo katirsan Gobolka ayaa beelaha Ceyr iyo Biya-maal uu dagaal daba dheeraaday ku dhax marayaa dadkii kunola degaanadasi ayaa intoodii badneed ka baxsaday gobolka.
Saraakiisha ciidanka dowlada iyo maamulka gobolka shabeellaha hoose weli kameysan hadlin dagaalka saakay kabilawday gobolka sh/hoose iyadoona weli dagaalka uu soconayo sida ila wareedyada ay ino xaqiijinayaan.
Fillo Wararka Soo kordha Insha’allah.
Gobanimonews.com
hargaysa/somaliland