Saturday, December 27, 2014

Gudoomiyaha xisbiga Waddani oo casho sharaf u sameeyay hogaanka laamaha dibada xisbigiisa.

Sidoo kale waxa xafladaas hadalo kooban ka jeediyay qaar ka mid hogaanka xisbiga waddani iyo guddoomyayaasha laamaha debeda ee xisbiga waddani

casho sharaf shahaado cirro waddani Hargaysa (GNA) Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI isla markaasna ah Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo ay wehelinayaan qaar ka mid ah Xubnaha Sare e Xisbiga ayaa xaflad casho-Sharaf u sameeyeen qaar ka tirsan Madaxda Laamaha Xisbiga ee Qurbaha.
Xafladan oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay,ayaa waxa kasoo qeyb galay Gudoomiyaha, Xog-hayaha Warfaafinta Muj;Boobe Yuusuf Ducaale, Maxamed Nuur Caraale Duur,Axmed Xaaji Cabdilaahi (Xamarje),Xil.Baar Siciid,Xil.Cali Aareeye,Xil.Siciid Cilmi Rooble,Xil.Cabdiraxmaan Xoog,Marwo;Faadumo Siciid,Xog-hayaha Arimaha Gudaha ee Xisbiga Mustafe Qodax,Garabka Dhalinyarada ee Xisbiga Iyo Guud ahaanba Madaxda Xisbiga WADDANI.

Dhinaca kalena,Waxa ka mid ahaa Hogaanka Laamaha Dibadda ee Xisbiga ee kasoo Xaadiray Kulankaas Madaxda Laamaha: Maraykanka,Sweden,Norway,Canada,Ingiriiska,Finland Iyo Xubno kale oo iyaguna ka mid ahaa Madaxda kala Duwan ee Xisbiga ku leeyahay Qurbaha Kulankan ayaa Gudoomiyaha Xisbiga ee Laanta Maraykanku waxay Abaal-marino iskugu jira Shahaadooyin,Bilado iyo Hadiyado Qaali ah ay Gudoonsiiyeen Xildhibaanada Golaha Wakiilada ee loo yaqaano “Xildhibaanada Xorta ah” iyo Xildhibaanadii kasoo jeeday Gobolada Awdal iyo Selel ee Fashiliyay Qorshihii ay Xukuumadu ku doonaysay Inay Ku Inqilaabto Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Cirro.

Ugu horayn Marwo: Muuna Cali Fidhin oo halkaas ka hadashay,ayaa Tilmaantay inay Abaal-marinahan ay ka sidaan dhamaan Shacabka Reer Somaliland ee Ku Nool Dalka Maraykan,gaar ahaana Taageerayaasha Xisbiga ee ku nool Gobolada kala gadisan ee dalkaas,waxaanay intaas raacisay inay Ugu abaal gudayaan Doorka Muuqda ee ay ku leeyihiin Samata-bixinta Dalkan Curdinka ah.

Xil.Cali Aareeye oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Wakiilada,ayaa Qurbejoogta ugu Mahad-naqay Doorka Muuqda ee ay ku leeyihiin Guud ahaanba Xaalada dhaqan dhaqaale ee Dalka,isaga oo usoo jeediyay Madaxda Xisbiga ee Wadamada Dibada inay sii Laban-laaban Dadaalkooda ku aadan sidii uu Xisbigu Ugu soo Bixi Lahaa Doorashada La Filayo inay Dalka ka qabsoomto Sanadka soo socda Badhtamihiisa,isaga oo intaas raaciyay Mudnaanta ay leedahay Dibad iyo Gudaba Si Wadajir ah loo wada hawl-galo .

Dhinaciisa Xil.Siciid Cilmi Rooble oo Is-na Halkaasi ka hadlay,ayaa sheegay inay Mucaarad-nimada Xisbiga WADDANI ay tahay tii ugu Rajada Fiicnayd ee uu arko ilaa intii uu ku jiray Halkanka Mucaarad-nimo oo uu ku sheegay Dhawr iyo Toban Sanno. “Intaas oo Sanno ayaan Mucaarad ahaa,Maxaan doonayaa ee aan itaasba raadinayay ma aha Boos. 17 Sanno ayaa Baarlamaan ahaa,waayo Xildhibaanimadu waa shaqo xor ah,Karaamo leh,oo aanad Bahdilnayn, Nin Isagu iska qaadayo mooyaane. Dal walba oo Caalamka ahi wuu soo kacaa-kufay.Nin baana u baxa oo ay Taariikhduna qorto.Ilaahay Waxaan ka baryayaa inuu Ninkaas uu Cabdiraxmaan ka dhigo”.

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo halkiisa sii Wata ayaa sheegay inay Dedaalka iyo Halganka lagu jiro la laban laabo oo hadalka iyo hawsha ay Hawshu badato si loo gaadho Higsiga la leeyahay. Waxaana uu si gaar ah ula hadlay Qurbe joogta “Halkan waad aragtaan oo Dabayl baa ka socota,Maalintii aan soo galayay Xisbiga Waxaan idhi “Wali Mucaaradad ka rajo-dhaw tan WADDANI maan arag”.Waxaad moodaa in Ilaahay Qawlkii Aqbalay oo ay sidii tahay,goor walba waanu kala tagi kari la’nahay, Gobol Waliba uu na sugayaa, Dadkii waa Diyaar,Waxaan idiinku boorinayaa Bahashaa Aduunyaada ah (Lacagta),iyadaa Ku Dhaqaajisa,iyadaa Meesha aad doonto ku gaadhsiisa,iyadaa Hadalka Qurxisa”.

Marwo: Faadumo Siciid oo iyana halkaasi ka hadashay ayaa Si Dareen-taabad leh uga Hadashay Godka Madaw ee haatan ay ku jirto Qadiyadii Madax-banaanida JSL,Waxaanay sheegtay inay u aragto inay Xisbi ahaan ay Yihiin Kuwa kasoo saarikara Godkaas ay Xukuumada haatan Talada Dalka haysaa ay ku Riday. “ Somaliland hadii ay inuu Aqoonsi u dhawayd waxay ahayd Lix sanno ka hor.Maantase meesha ay ku jirno Ilaahay baynu ka baryaynaa inuu inaga soo saaro.Maagaaladan London 55 Xildhibaan ayaa u Ololayn jiray Qadiyada Somaliland,Maantana Midh kama Joogo”.

Ugu danbayntiina Waxa soo Xidhay Xafladaas Gudoomiyaha Golaha Wakiilada,ah-na Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), waxaanu si kal iyo laab ah ugu mahadnaqay Madaxda kala Duwan ee Xisbiga WADDANI ku leeyahay Daafaha Caalamka iyo Kulankan kasoo qeybgalay “aad baan ugu mahadnaqayaa Dadka Sharafta badan ee kasoo qeyb galay Xafladan,hadii ay yihiin Hogaanka iyo Madaxda Xisbiga.Waxaanan si gaar ah ugu Mahad-naqaa Madaxda Xisbiga ee laamaha Dibadda Sida: Maraykanka,Ingiriiska,Norway,Finland Dhamaantiin waxaanu idin leenahay soo Dhawaada”.

Sidoo kale waxa xafladaas hadalo kooban ka jeediyay qaar ka mid hogaanka xisbiga waddani iyo guddoomyayaasha laamaha debeda ee xisbiga waddani oo ay ka mid ahayeen, Guddoomiso Marwo Milgo Maxamed Cilmi, Guddoomiye xigeenk Qaasim Sheekh Ibraahim tubeec, Xogahaya Saxaafada Boobe Yuusuf Ducaale, Xoghaya Arimaha Gudaha Mustafe Qodax, Guddoomiyahaasha iyo kuxigeenada Sweden,Norway,Canada,Ingiriiska iyo Finland.

 Gebo gabadii Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI waxaa uu Shaahado sharafyadii iyo biladihii ay bixinaysay Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ee laanta Maraykanku guddoonsiiyay qaar ka mid ah Xildhibanada Golaha Wakiilada iyo xubno ka tirsan Xisbiga WADDANI.


Mustafe Axmed (Herer).
Gobanimonews.com.office
Hargaysa/somaliland