Wednesday, December 24, 2014

Borama:Duqii hore ee Borama ayaa ka soo garab muuqday jabhad uu Suldaan Wabar hoggaaminayo + fariin culus


Duqii hore ee dagmada Borama A/raxmaan Shide Bile oo dhawaan laga soo daayay xabsiga dhexe ee Borama ayaa iska soo duubay cajalad cusub oo uu si adag uga hadlayo arimo dhawr ah. A/raxmaan shide Bile oo sugan buuralay gobolka Awdal isla markaana la fikir ah suldaan Abiibakar cilmi Wabar ayaa sheegay in Somaliland iyo gobolka Awdal yihiin laba dawladood oo kala madax bannaan, waxa sidoo kale uu hoosta ka xariiqay in 4-tii bishan ay tahay maalin muqadas ah oo gobolka Awdal ka go’ay Somaliland inteeda kale. Sidoo kale waxa uu sheegay in gooni iskutaaggu yahay mid ay ku heshiiyeen odayaasha ku nool Somaliland taasina ay noqotay mid hadda meesha ka baxday oo maamulka kulmiye heshiiskii buriyayay waa sida uu hadalka u dhigee. Duqii hore ee dagmada Borama oo ay hareero socdaan ciidan ku hubaysan qoryo isla markaana ay wajigiisa ka muuqato dhiiranaani ayaa sidoo kale carrabku ku adkeeyay in dhalinta reer Awdal ee kku jira ciidanka Somaliland looga fadhiyo in ka qayb qaataan halganka oo ay is barbar taagaan fikirka suldaan Wabar. A/raxman shide Bile ayaa gabagabadii sheegay in hadafka go’aanka suldaanku yahay in gobolka Awdal noqdo mid madaxbannaan isla markaana looga fadhiyo qurbe joogga sidii ay isku barbar taagi  lahayeen fikirka uu suldaan Wabar




Hoos ka daawo video-ga oo dhamaystiran 




http://youtu.be/2z0c_ub8tcM