Monday, December 29, 2014

taariikhdii xogahayahii Solja Marxuun maxamed rashiid qayb ka mida

maxamed rashiid xog Hargeysa(GNA)-Inaa-lilaahi waa inaa Ileyhu raajicuun Ilaahay Qabriga ha u nuuro Naxariistii janana haka waraabiyo, Marxuum Maxamed Rashiid Maxamed Faarax (Xogahayihii Guud ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland Solja),inkastoo ay Geeridu xaq tahay islamarkaana, uu Qof kasta oo bani aadam ahi dhimanayo naf walba saacadeeda hadana Geerida sheegisteedu way kala naxdin badan tahay Marxuumka waxa qof kasta oo si joogto ah mudooyinkii dambe ugu dhex jirey bahda Saxaafada Somaliland ku xasuusanayaa Xubin firfircoon oo uu ahaa iyo kaalintii uu ka qaadan jirey ladagalaanka iyo kahadalka tacadiyada iyo Xadhiga lagula kaco Suxufiyiinta Madaxabanaan ee Somaliland,iyadoo had iyo jeer mararka uu usocdaalo dalka Dibadiisa Marxuum Maxamed Rashiid aad loo tabi jirey lana dareemi jirey inta badan kaalintii iyo tiirkii adkaa ee uu ugu jirey,bahda Saxaafada Somaliland.

Allaha naxariistii jano hasiiyee Marxuumku wuxu ahaa Shakhsiyad kalsooni badan leh, oo ku dhiirada in uu dhinaca xaq ah aanu sharci ahaan iyo daw ahaan dhinacna uga laabanin kana beydhin badheedhaha mowqifkiisa difaaca xoriyatul-qowlka iyo Warbaahinta Maxaliga ah ee madaxa banaan Waxaanu lagu majeeran doonaa, kaalintii hal-abuureed ee uu u hayay dhalinyarada oo uu ku dedaali jirey in uu u sameeyo shaqo abuuris,waxyaabaha kale ee Marxuumka lagu xasuusan doono waxa kamid ahaa doorkiisii Bulshanimo oo aheyd mid dhameystiran, oo dhaqan wanaagsan iyo dabeecad fiicani ku ladhneyd.
Shabakada Wararka hadhwanaagnews oo uu siiyay Wareysiyo badan mudadii Xukuumadani talada haysay waxay kamid noqon doonaan hadaladiisii kuwa dhaxalgal ah oo aan marnaba lagu ilaabi karin Kaalintii Maxamed-Rashiid Maxamed Faarax.

Marxuum Maxamed Rashiid Maxamed Faarax, waxa uu shaqada Warbaahinta ka soo bilaabay Wargeyskii Jamhuuriya oo uu kamid ahaa Maamulka Lacagta islamarkaana, saamayn badan ku lahaa iyadoo ay Xafiiska kawada shaqeyn jireen Mustafe Sacad Dhimbiil, waxaanu markii dambe kamid noqdey Kooxdii Suxufiyiinta aheyd ee u Wareegay Wargeyskii Haatuf oo uu Maamulkiisa kamid ahaa, Waxaanay markii dambe alifeen isaga Suxufiyiin kale Wargeyska Weyn ee Saxafi oo kamid ah hada Wargeysyada Madaxa Banaan ee kasoo baxa Hargeysa,Marxuum Maxamed Rashiid waxay aqoon isku lahaayeen dad badan oo kamid ah Bulshada Reer Somaliland,Bulshada Soomaaliyeed iyo Dalalka afrikaanka ah ee aynu dariska nahay.

INaalilaahi wa inaa Ileyhu Raajicuun
Taariikh Nololeedka Marxuumka dib ayaanu idiinku soo Gudbin doonaa.

gobanimonews.com
Hargaysa/somaliland
editor@gobanimonews.com