Monday, December 29, 2014

wasiir sam sam oo fashilisay gudidii wakiilada Ee eedeysa wasaaradeeda.

sam sam fashilaadaHargeysa (GNA) : gudida ilaalinta iyo dabo galka hantida qaranka u qaabilsan golaha wakiilada somaliland ayaa maanta kulan la yeelatay wasiirka wasaarada wax barshada somaliland marwo Samsam Cabdi Aadan

Kulankan Ay Maanta Gudidu La Yeelatay Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Ayaa Ahaa Mid Ay Warbaahintu Goob Joog Ka Aheyd Waxana Wasiirka Iyo Gudidu Isla Eegeen War-bixino AY Gudidaasi Ka Soo Sameysay Qaar Ka Mid Ah Gobalada Dalka.
Ugu Horeyn Waxaa Madasha Ka Hadlay Gudoomiyaha Gudidaas Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi (Obama) Waxana Wasiirka Wasaarada Wax Barshada Uu U Sheegay In Gudidan Aanay Wax Musuq-masuuq Ah Oo Ay Ku Soo Oogtay Wasaarada Wax Barshada Aanay Jirin Qaar Ka Mid Ah Gobalada Dalkana Ay Ka Soo Uruuriyeen War-bixin La Xidhiidha Sida Ay Wasaaradani Uga Shaqayso Deegamdaasi Balse Ay Wasaaradu War-Bixinahaas Ay Soo Uruuriyeen Sas Ka Qaaday Isla Markaana Ay Khalad Fahmeen Oo Ay Moodeen In Lagu Eedenaayo Wax Musuq Maasuq Ah .

Waxana Uu Gudoomiyahu U Xusay In Wasaarada Wax-barashada Somaliland Ay Gudidani Hada Ka Bilaabi Doonan Badhitaano Musuq-maasuq Oo la xidhiidhay shaqaalaha ay qaadato wasaaradu dhismayaasha ay dhisato in ay yahiin qaar loo maray nidamkii sharciga ahaa ee tastuurku jideeyey Waxana Uu Yidhi Gudoomiyihu “ Wasiir Meel Ay Kaga Qoron tahay Buugayagaas Iyo War-bixintayadaas Wasaarada Wax-barashada Oo Tuhun Naga Galay Isla Markaana Aanu Mus-maasuq Ku Soo Oognay Meel Ay Kaga Jirtaa Ma JIrto .
Gudidani Waa Gudi Musuq-Maasuq La Xidhiidha Waxaanu Odhaneyno Waa In AY noqdaan Waxaa Aad Looga Fiirsaday Waxaanu La kulanay 25 Haa’yadood Wali Wax Wasaarad Ah Oo Aanu Badhitaano Muq-maasuq Ka Soo Saarnay Ma Jirto Marka Laga Yimaado Hanti Dhawraha Guud Ee Qaranka .

Wasaaradaadu Way Ka Xag Jirtaa Oo Waxay Caawimo Aad U Badan Ka Heshaa Haa’yadaha Caalamiga Ah Markaas Waxaanu Soo Saareynaa Waa In Ay Noqdaan Wax La Hubo Markaas Wasiir Iyada Oo Aanay Jirin Wax Musuq-maasuq Ah Oo Aanu Idinku Soo Oognay Miyaanay Kula Qurux Badneen In Anaga Oo Gudi Ah Aad Nala Soo Xidhiidho Intaad Todobada Gobalba Aad Ka Hadlaysay “ Ayuu Yidhi Gudoomiyaha Gudida Ilaalinta Iyo Daba Galka Hantida Qaranku Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi .
Sidoo Kale Wasiirada Wax-barashada Somaliland Samsam Cabdi Aadan Oo Yaduna Goobtaasi Ka Hadashay Isla Markaana Dood Dheer ka Gashay Ayaa Waxaa Ay Tahali Kari Wayday In Ay Buuga Gudidani U Soo Bandhigeen Golaha Wakiilada Ay Ka Soo Saarto War Bixino La Xidhiidha Badhitaano Musuq-maasuq Oo Ay Hore Wasiiradu Warbaahinta Uga Sheegtay In Ay Gudidani Ku Soo Eedaysay .

Wasiirada Ayaa Waxaa Ay Gar Naq sigeedi Ku Soo Koobtay In Gudida Golaha Wakiilada U Qaabilsan Dabo Galka Hantida Qaranku Ay Musuq-maasuq Ku Eedeysay Taasi Oo Ay Wasiiradu U Helli Weyday Cadeymo Buuxa Oo Tibaaxaya In Gudidani Wax Musuq-Maasuq Ah Ku Soo Oogtay .
isku soo wada duuboo kulankan ayaa maanta noqotay mid fashilantay iyada oo ay gudidu ay maanta awoodiwayday inay cadaymo keento.
mustafe axmed herer
gobanimonews.com
hargaysa/somaliland.
herersax@gmail.com