Saturday, December 27, 2014

Wasiir hore Cawil oo Dhaliilay Loollanka Siyaasiyiinta isku beesha ah

Cawil



Hargeysa(GNA)Wasiirkii Maaliyadda Xukumaddii Rayaale, Danjire Xuseen Cali Ducaale (Cawli), ayaa Siyaasiyiinta kala ah Muuse Biixi Cabdi,Cabdicasiis Samaale iyo Maxamed Biixi Yoonis uga digay in loolankooda siyaasadeed ee ku salaysan siyaasad aan wali la gaadhin Wakhtigeeda aanay ku kala qaybin Bulshada.



Danjire Cawil oo isagoo Nairobi Jooga u Waramay Geeska Africa, waxa uu sheegay inaanay siyaasaddu halkan taagnaan Karin 5 sanno ka dibna wax badan isbedeli karaan.



“Madaxweyne ayaa musharax ah, xisbiigina Nin baa gudoomiye ka ah, maxaa la isku haystaa markaas.Waa inay siyaasiyiintu tidhaahdo arrintu wakhtigeedii ma joogto,Muuse iyo Samaale haddii ay leeyihiinSalaaddiin ayaanu reerka u noqonaynaa waa wax kale, haddiise ay siyaasad tahay wakhtigeedii lama joogo oo shan sannadood ka dib waxyaabo badan ayaa is bedelaya oo siyaasadu meel ma taagna.Wejiyaal kale oo aan waxba u ogayn ayaa iman kara”



Danjire Cawil waxa uu siyaasiyiinta kula taliyay inaanay kala qabin Bulshada ay ka soo jeedaan “Markaas wa in reerka kala qaybinta iyo mashruucan laga samaysanayo laga daayo si aan dadkuu kala qaybsamin, ilayn haddii ay beeluhu kala qaybsamaan qaranka ayaa kala s\qaybsamayee.markaa waa inaan umadda la kala qaybin oo aan lagu jaah-wareerin waxaan dhawayn iyo siyaasad aan wakhtigeedii la Joogin”



Loolan kala qaybiyay Beesha Sacad Muuse ee saddexdan siyaasi ka soo kala jeedaan ayaa maalmihii u dambeeyay ka dhex aloosnaa beesha iyadoo la isku maandhaafay kala reebista saddexdan siyaasi.Muuse Biixi ayaa ku niyadsan in lagu kala reebo saddexdooda beesha dhexdeeda,halka Maxamed Biixi iyo Samaale ku doodayaan in Xisbigu xaq u leeyahay kala reebista.