Monday, December 22, 2014

Xisbiga UCID, Wuxuu Leeyahay Iyamaa Run Sheegaya Madaxweyne Axmed Siilaanyo Iyo Madaxweyne Xasan Sheekh.

ucid warHargeisa-(GNA)- Xisbiga mucaaridka ah ee UCID, ayaa war-saxaafadeed ka soo saaray hadalada aadka u kala fog ee ay ku kala hadleen Madaxweynayaasha Somaliland yo Soomaaliya, markii ay ka soo laabteen shirkii ay ku yeesheen dalka Jamhuuriyadda Jibouti, ee ay ka soo degeen magaalooyinka Hargeysa iyo Muqdisho, sidaana waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray xisbiga mucaaridka ah ee UCID, oo ku saxeexan yahay Xoghayaha warfaafinta ee xisbiga, oo nuqul ka mid ah la soo gaadhsiiyay Shabakada wararka ee Gobanimonews.

War-saxaafadeedkaas oo dhamaystiraninna waxa uu u dhignnaa sidatan,

JAMHUURIYADDA SOMALILAND REPUBLIC OF SOMALILAND

Cadaaladda Iyo Daryeelka {UCID} Justice and Welfare Party

Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka {UCID} Justice and
Welfare Party

Ref/UCID/00150/2014 Date: 22/12/2014

WAR SAXAAFADEED

HARGEYSA

XISBIGA UCID WAXAA UU LEEYAHEY IYAMAA RUN SHEEGAYA XASAN SH.MAXAMUUD IYO MADAXWEYNE AXMED SIILLAANYO

Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka UCID Waxaa uu War-Saxaafadeedkan Ka Soo Saarey Hadalada Aadka u Kala Fog Ee Ay Ku Kala Hadleen Labada Madaxweyne

Madaxweynaha Somalia iyo Madaxweynaha JSL,Markii Ay Ka Kala Dageen Galinkii Hore Ee Maanta oo Ay Bishu Tahey 22 December 2014 Labada Madaar Ee Cigaal Hargeysa Iyo Madaarka Aden Cade Muqdisho

Ayaa Mid Waliba Waxaa uu War_Saxaafadeedkii uu Bixiyey ku Sheegay Hadalo Aad u Kala Fog oo Ahaa Sidan.

Madaxweynaha JSL Waxaa uu Maanta Dadkiiisa u Sheegay in Kulankii Dhex-Marey Isaga iyo Xasan Sh.Maxamud ay ku Heshiiyeen


  • In Wixii Hore Loogu Heshiiyey Sidoodii Loo Fuliyo

  • In Bisha February 2015 Wadahadaladii Dib Uga Furmaan TURKIGA


  • In La Dar-Dar Galiyo Wadahadalada si Arimuhu Hore Ugu Dhamaadaan


  • In Dawlada jibouti Ay Goob Joog Ka Ahaato Markii Loo Baahdaba Wadahadalada




Halka uu Isaguna Ka Sheegay Aragti Taa Ka Duwan Madaxweynaha Muqdisho Ee Xasan Sh.Maxamud oo Aheyd


  • In Wixii Hore Loogu Heshiiyey Sidoodii Loo Fuliyo


  • In Bisha February 2015 Wadahadaladii Dib Uga Furmaan TURKIGA


  • In La Dar –Dar galiyo Wadahadalada, Si Midnimadii Somalia ay u Soo Dhamaystiranto 2015


  • In Dawladii jibouti Ay Goob Joog Ka Ahaato Markii Loo Baahdaba Wadahadalada Somalia iyo Somaliland




  • Waxaa uu Intaa Raaciyey Xasan Sh Maxamuud In Saacado Badan Ay Si Hoose u Wada-hadleen Isaga iyo Siillaanyo

    Hadaba Dhamaan Muwaadiniinta JSL Mucaarad iyo Muxaafidba iyamaa Xaqiiqda Dhabta Ah Shacbigiisa u Sheegaya

    Waxaanu War-Saxaafadeedkan Ku Soo Gabagabeyneynaa Maah Maah Somliyeed oo Tidhaahda (WAX HA LAGUU SHEEGYE MAANKAAGA LA KAASHO) Jawaabtuna Shacbiga JSL ayey u Taalaa

    Hadii Aanu Nahey Xisbiga UCID si Balaadhan Ayaanu uga Hadli Doonaa Arintan

    XOGHAYAHA WARFAAFINTA XISBIGA UCID

    YUUSUF KAYSE ABDI-LAAHI

    Mustafe Axmed (herer)

    Herersax@gmail.com

    Gobanimonews,com/Office

    Hargeisa/Somaliland