Tuesday, December 30, 2014

Xasan Sheikh oo Masar kula kulmay SISI

Qaahira, Disembar 29 –(GNA)- Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Dalka Masar, Abdel Fattah el-Sisi, ayaa maanta kulan ku yeeshay qasriga Madaxtooyada Masar ee magaalada Qaahira.



Waa kulankii ugu horeeyay ee dhex maray hogaamiyihii hore ee Milateriga Masar, haatana ah Madaxweynaha dalkaas, kaddib doorashadii sanadkan loogu doortay Madaxweynaha.



Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Shiikh Maxamuud, wuxuu Madaxweynaha dalka Masar uga warbixiyay xaaladaha siyaasadda, amiga, bulshada iyo dib u dhiska dalka Soomaaliya.



Wuxuu Dowladda iyo Shacabka Masar uga mahadceliyay sida ay Soomaaliya isu garab taageen xilliyadii adkaa. Wuxuu yiri Madaxweynuhu “si weyn ayaan ugu xisaabtameynaa Masarta cusub ee uu hoggaamiyaha u yahay Madaxweyne Sisi in ay kaalin weyn ka qaadato dadaalka dib u dhiska Soomaaliya.”



Labada Madaxweyne waxay si buuxda isugu af garteen in ay iska kaashadaan dhinacyada waxbarashada, beeraha, tababbarka ciidammada, dhaqaalaha, dhaqanka iyo arrimaha bulshada.



Madaxweynaha dalka Masar, Abdel Fattah el-Sisi wuxuu ku dhawaaqay in la
dhisi doono guddi laba geesood ah oo howshiisu ay tahay isku dubba ridka
iskaashiga labada dal. Dowladda Masar waxay kulankaasi ku aqbashay casuumad uu Madaxweynaha Soomaaliya u fidiyay Ra’iisal Wasaaraha Masar in uu booqasho ku yimaado Soomaaliya.



Labada Madaxweyne ka sokow, kulankan oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada dalka Masar, waxaa ka qeyb galay Ra’iisal Wasaaraha dalka Masar, Ibrahim Mahlab, iyo Wasiirro labada dal kala matalaya.